Codka Mudug
Banner
dhibaatooyin soo food saaray dadkii ka barakacay baladweyne PDF Print E-mail
Written by codkamudugradio   
Friday, 22 January 2010 11:13

 

 

 

bara.jpg - 3.43 Kb

 

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda dadkii uga barakacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan dagaallada u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda, iyadoo baqdin kale laga qabo inay kasii barakacaan goobiha ay hadda ku sugan yihiin.

Deegaannada ay dadkan u barakaceen ayaa waxaa kamid ah Baar-dheere iyo Beer-Xaano, garasiyaani halkaasi oo ay kuhaysato nolol xumo daran .

Hay'adaha gargaarka ayaan badi gaarin deegaanada dadku ay ubarakaceen, iyadoo dadkii ka cararay Baladweyne qaarkoodna ay hoos-joogaan geedo waaweyn, iyagoo agabkoodii uga tagay Magalaada, waxayna ka cabanayaan qabowga daran ee habeenkii dhacaya.

Kooxaha iska soo horjeeda ayaa wuxuu dagaalkooda ku baahay Gobolka oo dhan, iyagoo isku horfadhiya deegaano dhowr ah oo ay dadku u barakaceen, iyadoo gobolka ay ka jiraan abaaro aad u daran oo baabi'iyay xoolihii.

Dadka ka barokacay Magaalada Baladweyne ayaa waxay u baahan yihiin gagaarka deg-deg ah maadaama aysan shaqeynayn hay'adaha gargaarka ee Gobolka ku sugan, waxaana dadkaas qaarkood ku dhacay cudurro ay ka mid yihiin dhiig la'aan iyo kuwo ay ka qaadeen qabowga dhacaya.

Magaalada Baladweyne ayaa xalaadeedu dagan tahay inkastoo ay kooxaha iskasoo horjeeda weli isku horfadhiyaan buundooyinka u dhexeeya Magaalada, waxaana jirta cabsi weyn oo ay dadku qabaan.

W/D Cumar Soomane 0015672660223