Codka Mudug
Banner
xaalada dagmada xarardheere oo dagan kadib dilal xalay ka dhacay PDF Print E-mail
Written by codkamudugradio   
Saturday, 30 January 2010 15:29

 

dagn.jpg - 1.55 Kb

 

daganaashaha dagmada galabta waxa uu kadambeeyay kadib markii Kooxo xalay isku rasaaseeyay Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ay dileen Gudoomiyihii hobyo ee mamulka xumin iyo xeeb Sheekh Doon Yuusuf Gureey iyo Nabadoon Faroole sida saxaafada ay u sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta degmadsa Xarardheere.

Meydadka gudoomiyihii degmada iyo Nabadoonka kale ayaa maanta lagu aasay Magaalada Xarardheere kuwaasi oo ku dhintay gacanta rag hubaysan oo xalay isku rasaaseeyay Magaalada Xarardheere.

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Xarardheere ayaa iyagana haatan waxaa ay ku mashquulsanyihiin sidii ay u dhameyn lahaayeen xiisado laga yaabo in ay ka dhashaan dilkii xalay loogu geystay Magaaladaasi .

Xaaladad Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa laga dareemayay deganaan waxaana dadka deegaanka ay si weyn u hadal hayeen dilkii xalay kooxaha hubaysan ay u geysteen .Sheekh Doon Yuusuf Gureey iyo Nabadoon Faroole

 

Axmed taakilo