| Kulankii Odayaasha Dhaqanka Oo Maalintii 2aad Galay |
|
|
|
| Written by codkamudugradio |
| Monday, 08 February 2010 17:39 |
|
Waxaa maalintii 2aad Degmada Bandiiradleey ee Gobalka Mudug ka soconaya Wadahadalo Udhaxeeya Waxgarad Iyo Masuuliyiin ka soo kala jeeda Gobalada Mudug Iyo Galgaduud oo ladoonayo in lagu soo afajoro Colaado kol hore uga dhacay Deeganaadaasi iyo Balaarinta Dowlad Gobalaadka GalmudugWafdigii Shalay ka amba baxay Galkacyo ee Dhanka Galmudug ayaa waxaa horka cayey Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xasan Faarax Barre iyadoo dhanka kale ee Maamulka Xibin Iyo Xeebna ayaa sidookale la sheegay in ay u soo direen Mada Shirka uu ka furmayo ee Bandiiradley Waxgarad Iyo Masuuliyiin inkasoo kulanka la sheegay in uu udhaxeeyo Cuqaasha Labada Dhinac ayaa Masuuliyiintii ka qeybgashay ay yihiin kuwa Goobjoog ka ahaanaya wada hadalka dhaxmara WaxgaradkaDhinacakale Warar hoose oonu ka heleyno Goobta uu ka socdo Shirka ayaa sheegaya in Maalinta Bariya ay ka qeybgalidoonaan Masuuliyiin katirsan Galmudug uu kamid yahay Madaxweynaha Galmudug Axmad Maxamad Caalin iyo Qaar kamid ah Golihiisa wasiiradaInkastoo uu kulanku yahay Mid ay Masuuliyiinta Galmudug ayey Sheegeen in aan Saxaafadda loogu talagalin taana ay sababta aan loo helin in xog dhab ah oo ku saabsan shirku ay Saxaafadu Hesho
W/D Axmed Qaliif Geedi
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Codkamudug.comGaalkacyo tel.0025290649135
|
| Last Updated on Monday, 08 February 2010 19:26 |







