Dahabshiil-Gif
 
|

Isku soobax Roob doon ah oo ka dhacay Magaalada dhoosomareeb ee G/Galgaduud

dhuusmareeb2Isu soo bax roobdoon ah oo ay sameynayaan qeybaha bulshada gobolka Galguduud ayaa saaka ka socda degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkasi, iyadoo xaalad biyo la’aan ah ay ka taagantahay deeganno ka tirsan  G/Galguduud.

Cadceed Shekhdoon Diiriye oo ka tirsan waxgaradka deeganka oo ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa Radio Muqdisho u sheegay in saaka banaanbax roobdoon ah ay ka socoto magaalada Dhuusabareeb.

Isu soo baxan roob doonka ah oo ay horkacayaan culumaa’udiinka ayaa waxaa ka qeybqaadanaya ardayda dugsiyada iyo dhamaan qeybaha bulshada, iyagoo isugu soo baxay banaanka magaalada.

Deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waxaa laga soo sheegayay abaar daran iyo biyo la’aan saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news