|

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Dhismaha Airporka Hobyo oo la kulmay qaar kamid ah Golaha Marjaca iyo Golaha Fulinta ee Jaaliyadda Galmuudg London

Codsi iyo mahad celin iyo warbixin kooban,  Gudiga dhismaha ayraboorka hobyo waxaan uga mahad celineyna gudig jaaliyada galmudug ee reer london sida ay u soo  dhaweeyeen noolana qaateen qorshihii dhaqaale oo aan u soo bandhignay oo ay uga qeeyb qaadanahayeen dhismaha ayraboorka hobyo.

Waxaan kaloo reer London uga mahad celineyna sida ay u qadariyeen casumaadii aan ku casunay kulankii ballaarnaa oo la iskugu yimid  21/4/2012 oo aan ku faahfaahineynay ilaa iyo intii xilka dhismaha ayraboorka hobyo naloo magacaabay. Xiriiradii aan sameeynay iyo dhismaha ayraboorka hobyo sida uu noqonahayo iyo in aan ku hogaamineyno howshaas culus oo naloo xilsaaray nidaamka la yiraahdo iskaa wax u qabso oo uu noqondoono ayraboorka hobyo mid u dhaxeeya  Aduunka oo dhan  meel ay joogaanba  oo ay waajib  kutahay in ay ka qeeyb qaadato cid kasta oo danaynaysa Horumarka Galmudug.

Madaxweeynaha dowlada Galmudug Maxamaed Axmed Caalin Ayaa markuu arkay baahida loo qabo dhismaha ayraboorkii hobyo uu magacaabay Gudi ka mira dhaliya dhismaha Hobyo Airport. Hobyo airport wuxuu ahaa mid soo  jireenahkana  kadiwaan gashana dunida. Waxaan soo dhawaynaynaa cid alaala ciddii gacan nagu siineysa dhismaha ayraboorka hobyo, waxaan ilaahey karajeeyneyna in ayraboorka hobyo noqdo saldhig ila dhaqaale oo dowlada galmudug kor u soo qaada, oo baahi badan oo ayraboor looqabayna looga baxo.

Masawiradii iyo qoraalkii hore

Qoraalkii Hore

 

Gudiga dhismaha ayraboorka Hobyo oo kala ah.

 

 

 

1.   Maxamad salad ducaale .gudoomiyaha gudiga dhismaha ayraboorka hobyo.

2.   Maxamad ciise jaamac (jilibey) gudoomiya kuxigeenka gudiga dhismaha ayraboorka hobyo.

3.   Cabdulqaadir cali jaamac (qalabxoor) xoghayaha gudiga dhismaha ayraboorka hobyo.

4.   Qarad shiikh cilmi barkhadle madaxa maaliyada iyo khasnajiga

 

 

 

gudiga dhismaha ayraboorka hobyo.mar haddii qarad oo gabdhaha kamid ahi ey maaliyada iyo khasnajiga noogu xilsaarantahay gabdhaha oo dhami maaliyada  iyo khasnajiga beey noogu xilsaaranyihiin. rageena magacaaban anaga oo kaashaneeyna rag iyo dumarba waxaan utaaganahay  ula dhabada iyo qalqaalada dhismaha ayraboorka hobyo. marka haddii howli hesho dad utaagan iyo dad kaalmeeya waatii guul  kudhamaata.

Marka ayraboor iyo dakad waa waxa kaliyah oo umadeena horumarkeeda kor usoo qaadi kara shaqa la,aanta  jirtana lugu suulin karo, ayraboorkuna waa miftaaxa dakad iyo waddo iyo wixii lamid ah ee loomari lahaa. shaqada maantay soomaaliya kasocota meel kasta waxeey kusocotaa ,wax qabso aan wax kula qabtee.

shaqada ayraboorka waxaan qaybta koowaad kuwajahaynaa in ay billaabaan jaaliyadaha galmudug oo isku duuban,sida yurub,ameerika,kanada,carab,iyo iist afrika. qaybta labaadna waxaa  kaqayb qaadanahaya shacabka Galmudug oo gudaha soomaaliya jooga,iyo afartan maal qabeenka Galmudug oo dunida kukala firirsan  oo magacyadoodu noo qoran yihiin iyo dowlada Galmudug, dowlada federaalka soomaaliya,iyo hayadaha samafalka. waxaan kaloo  soo dhawaynaynaa cid allaala ciddii gacan naga siinaysa dhismaha ayraboorka Hobyo,waayo ayraboorkuu waa ayraboor soomaaliyeed.

Dhismaha ayrabooku wuxuu noqonahayaa saddex qeeybood oo isdaba joog ah, ranwayga ama dhabaha diyaaradu ku soconeyso, xaafiisyada iyo baarkinada baabuurta,iyo silig iyo darbi lugu wareejiyo ayraboorka oo dhan waxaan ilaahey ka rajeeyneynaa in ayraboorka hobyo noqdo mid caan ka ah geeska afrika.. waxaan jecelnahay kuna  dadaalaynaa sida ugu dhaqsiyaha badan in aan kubiloowno dhismaha ayraboorka hobyo, muddo koobana in diyaaraduhu ku soo dagaan. .

Marka wixii aad u baahantahay haddii aad kawarwareegtid ama aad kabaqdid waa ku hortaagayihiin waligood.waxaa layiri colka intii uu guulguulka kaa gooyo galida kuuma geeysto,marka foodaan dareeynaaye nagu gararab gala.

Intii aan xilka dhismaha ayraboorka hobyo naloo magacaabay waxaan laxiriirnay meela fara badan,aadbeeyna ugu guuxeen waana soo dhaweeyeen dadkii aan laxiriirnay dhamaantood. marka waxaan idinka codsanayna hoowshaas culus oo naloo  xilsaaray in aad nagu taageertiin oo aad nala qaadatiin in jaaliyadaha Galmudug ey horseed kanoqdaan dhismaha ayrabooka hobyo.idinka oo nala leh talo iyo laxisaabtamba

 

5 Responses for “Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Dhismaha Airporka Hobyo oo la kulmay qaar kamid ah Golaha Marjaca iyo Golaha Fulinta ee Jaaliyadda Galmuudg London”

  1. bashir says:

    Sax weeye, waa in la dhisaa groonka sida ugu dhakhsiyaha badan. Maxaa yeelay shaqo abuur bay bilowdaa. Dakadda iyadana waa in la dhisaa insha Allah viva Gm!!

  2. Karim says:

    Guul iyo midnimo an adinku ogahay Galmudug

  3. bariis says:

    waa wax lagu farxo aad baana ugu faraxsanahay dhismaha Airporka hobyo,
    waxaan qabaa in laga daahay hawshaas laakiin anoon shalaytamin waan idin
    garab taaganahay viva galmudug

  4. abbas says:

    marhoraa larabay qorshahaan balse hadii maanta lagartay waa alle mahadiis galmudug waxay sugaysaa waadadkeeda ee cid kale uma maqna

  5. umu adnan says:

    Aad ayaan Ugu HAmbalyeynayaa Jalida Rer London Arin lama Ilaawan Ah ayay Ka dhqajiyeen… Qofka Websiteka Iska Leh FArta Si hagagsan Pls Hanaloogu soo Qoro

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news