|

KULAN BALAARAN OO JAALIYADDA GALMUDUG KU YEELATAY MAGAALADA TORONTO, CANADA

KULAN BALAARAN OO JAALIYADDA GALMUDUG KU YEELATAY MAGAALADA TORONTO, CANADA

Waxaa maanta oo taarikhdu ahayd 19ka bisha May, 2012 kulan balaaran ku yeeshay Magaalada Toronto ee dalka Canada Jaaliyadda Galmudug oo isaga kala timid Magaalooyinka Canada ee Ottawa, Kitchener, St. Catherines iyo Toronto.  Kulankaas waxaa kaloo joobjoog ka ahaa ergo ka socotay dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalooyinka Dalas, Texas iyo Columbas, Ohio.

Kulankaan waxaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimada guud ee bulshada Galmudug iyo sidii gacan looga gaysan lahaa soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.  Jaaliyaddu waxay isla garatay si loo soo celiyo qarankii Soomaaliyeed in loo baahan yahay ummadda Soomaaliyeed inay doorato shaqsiyaad xilkas ah oo ummadda Soomaaliyeed ka saari kara dhibaatada iyo jaahwareerka ay ku jirtay dhawr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.  Qofka qabanaya xilka ummadda Soomaaliyeed waa inuu ahaadaa:

  • Shaqsi aaminsan midnimada Soomaaliyeed.
  • Shaqsi ka nadiif ah dagaaladii sokeeye islamarkaasna isu keeni kara bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
  • Shaqsi leh aqoon iyo waaya-aragnimo maamul iyo mid maamul wanaag.
  • Shaqsi lagu yaqaan cadaalad iyo daacadnimo.
  • Shaqsi lagu yaqaan asluub iyo anshax wanaag.
  • Shaqsi la macaamili kara, lagana yaqaan bahwaynta caalamka.
  • Shaqsi u diyaar ah inuu Shareecada Islaamka ku dhaqo ummadda Soomaaliyeed.

 Waxay Jaaliyadda Galmudug ee Canada u aragtaa in shaqsiga sifooyinkaas aan kor ku sheegnay ka bixi karaa uu yahay Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow.  Ayadoo arinkaas laga tilmaan qaadanayo waxay Jaaliyaddu isu raacday in si buuxda loo taageero musharaxnimada Dr. Cabdullahi Axmed Caddow, laguna taageero hiil iyo hooba.

Kulanka maantay wuxuu u dhacay sidan soo socota:

Ugu horeytii waxaa shirka ku furay ayaadaha quraanka kariimka Dr. Xuseen Abshir Xasan oo ku nuux nuuxsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in ilaahay loo toobadkeeno, asagana kaalmo la waydiisto.  Haddii sidaas la yeelana in guulaysanayo.

 Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Toronto, Maxamed Cali Faarax oo halkaas ka soo jeediyay erayo soo dhawayn ah oo loo jeediyay xubnihii Jaaliyadda reer Galmudug ee kala yimid Ottawa, Kitchener, St. Catherines, Dalas iyo Columbas.  Wuxuu kaloo guddoomiyuhu sheegay in berrito oo Bisha May tahay 20,2012 dhicidoona kulan kale oo looga hadlayo Mashaariicda taakulaynta agoonta, iyadooo warbixin ay soo bandhigi doonaan Shiikh Maxamud Axmed Cabdiraxmaan (Eerkolo), Cabdicasiis Shiikh Maxamed Geedi iyo Shiikh Cabdullaahi Shire Cagay oo dhawaan ka soo noqday Galmudug.

Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay
ergadii ka socotay Magaalada Ottawa kuwaas kala ahaa Ganacsade Cabdullaahi Cumar Cali, Maxamed Cali Guutaale, Abshir Cilmi Dhoore, iyo Cabdirisaaq Maxamed Gabanow (Shiino).  Ergada reer Ottawa waxay si qoto dheer uga hadleen midnimada iyo faaidada ay leedahay, ayagoo soo jeediyay in lagu midoobo musharaxa Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow isla markaasna la raadiyo dhamaan Jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed.

Kadibna waxaa hadalka qaatay Cabdulqaadir Xirsi Diirshe oo ka socday Kitchener, Canada oo si fiican uga hadlay in taageerada iyo waxqabadka loo bedelo ficil (SMART).  Ficilkaas ah mid qeexan, lacabiri karo, lagaari karo, xiligan ku haboon islamarkaasna la tabaankaro.

Gunaanadkii shirka waxaa si fiican la isugu afgartay dhamaan qodobadii laga soo jeediyay shirkaas, ayadoo islameeshaas lagu abuuray guddiyo u hawlgala qodobadii shirkaas laga soo jeediyay, islagoobtana lagu bilaabay waxqabadkii iyo taageeradii Dr.  Caddow.

Waxaa kaloo gebagabada shirka looga mahadceliyo gabdhaha Jaaliyadda Galmudug ee Toronto oo shirka ugu deeqay qado sharaf macaan badan.

Waxaa shirka daadihinay Mahad Cali Yusuf.

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news