Kulan loogu aruuriyey $15,000 Agoonta Galmudug oo ka dhacay Toronto, Canada





Kulan loogu aruuriyey $15,000 Agoonta Galmudug oo ka dhacay Toronto, Canada
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay May 20, 2012 magaaladaTorontoee wadankaCanadaka dhacay kulan dhaqaalo loogu aruuriyey agoonta Imamu Nawawi ee ku sugan xarumaha Muqdisho, Gaalkacyo, Bandiiradley iyo Qoodaxtoole. Waxaa kulanka warbixin maqal iyo muuqaal ah kasoo jeediyey C/casiis Sh. Max’ed Geedi oo degan Magaalada Dallas, dhawaana booqosho ku tagay xarumaha agoomaha ee magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Bandiiradley, iyo Qodaxtoole.
Warbixintaas oo taabanaysay dhinacyo badan, ayaa waxaa ugu muhiimsanaa warbixin ku saabsan dhalinyaradii ku soo barbaartay xeryaha agoomaha oo hada qaar kamid ahi ay yihiin dhakhaatiir, kalkaaliyaal caafimaad (Nurses), macalimiin jaamacado kasoo baxay, iyo ganacsato. Riix linkigaan http://www.youtube.com/watch?v=Hq2JTSEr4qQ Waxay ardaydani u mahad celiyeen dhamaan intii ka qaybqaadatay barbaarintooda iyo waxbarashadooda, waxay kaloo walaalahooda jaaliyadaha ka codsadeen inay taakuleeyaan ilmaha wali ku xaraysan xarumaha agoonta.
Kulankaas waxaa kaloo looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa sadex walaalo ah oo curyaamiin ah oo gabdhaha reerTorontobalan qaadeen inay gacan ka gaystaan taageeradooda.
Waxaa gabagabadii kulankaas muxaadaro aad u qiima badan ka soo jeediyey Sh. Maxamuud Axmed C/raxmaan (Erkole), oo reerColumbus, Oh. Wuxuu sheekhu kasoo-qaybgalayaasha ku baraarujiyey faa’iidada aduunyo iyo mida aakhiro ee ay leedahay taageerida agoonta.
Markuu shirku dhamaaday ka bacdi ayaa wafdigii maraykanka ka yimid waxaa loo sameeyay casho sharaf lagu sagootinayay oo ay sameeyeen Abdulkadir warsame Galbayte EX, Osman Maxamed Ducaale, Eng. Maxamed Ali Aadan, Sh. C/laahi Shire Cagey, iyo rag kale oo badan.
Eng.Maxamed Cali Aadan
Toronto,Canada