|

SHIRKII DHEX DHEXAADINTA SOOMAALIYA IYO SOOMAALI LAND OO LONDON KAFURMAYA

Kullankaani ayaa waxa uu ka furmayaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo kullankaani ay wada qaadanayaan Xubno ka kala  socda dowladda KMG Soomaaliya iyo  Maamulka gooni isu taagga ee la magacbaxay Somaliland. 

Wafdiga matalaya Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumdda C/samad Macallin Max’ud kaasi oo ku sugan Magaalada London xilli shalay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ka amba baxeen Magaalada Nauirobi ee Xarunta dalka Kenya. 

Dhinaca kale Wafdi ka socda Somaliland ayaa la sheegayaa in uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulkaasi Max’ed C/laahi Cumar, waxaana labada dhinaca ay  dib u bilaabi doonaan wada hadalladii horey loogu hongoobay oo u dhaxeeyay dhinacyadaasi. 

Warar ay hoose oo ay helayso Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in dhinacyadaasi si qasab ah ay isugu keentay dowladda Ingiriiska ah, iyadoo sidoo kalena halkaasi ay Xaadir ku ahaan doonaan Xubno ka socda Xukuumadda Ingiriiska oo Koormeeraya wada hadalka u dhaxeeya labada dhinaca.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news