Dahabshiil-Gif
 
|

Laabla’kac Dowlad Kuma Shaqaysee, Maxaa Talaa?Intaan aan qoraalkayga u gelin

download

Laabla’kac Dowlad Kuma Shaqaysee, Maxaa Talaa?Intaan aan qoraalkayga u gelin, aan idin xasuusiyo in asbuucyadii la soo dhaafay ay shabakada wararka Soomaaliyeed ay qoreen ama ay baafinayeen eraygii uu Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ku tilmaamay cadowga Soomaaliyeed: “Nabad-diid”.Eraygaan oo isla markiiba ixasuusiyey erayo badan oo halhays u noqday dhacdooyin dalkeena soo maray sida “Kacaan-diid” oo uu halhays u noqday xukuumadii wadanka ka talin jirtay intii ka horaysay dagaalkii sokeeye iyo erayga “Faqash” oo ahaa eray si aad loo isticmaali jiray intuu uu socday dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii.Marka hore aan ku bilaabo halhayskii Kacaan-diid: oo loola jeeday qof kasta oo ka soo horjeeday dowladii kacaanka ahayd. Halhayskaan oo la dhahi karo waxaa loo adeegsaday Soomaali oo dhan, hadana waxaa jira fikrado kale, inkasta aan la isku afgaran, oo cadaynaya in halhayska “kacaan-diid” si gaara uu u waxyeelayey qabaa’ilada Soomaaliyeed qaar ka mida, haba la kala darnaadee. Erangan oo ugu danbayntii sababay waxyeelo naf iyo maalba leh maadaama uu ku salaysnaa laabla’kac siyaasadeed.Marka xiga, bal u fiirso halhayskaFaqash: oo ah eray aan marna la hilmaami karin waxyeeladiisa maadaama eraygaan la isticmaali jiray intii uu dagaal sokeeye socday. Arimaha lagu xasuustana ay ka mid tahay in uu magac u noqday qabaa’ilka Soomaaliyeed qaar ka mida. Sidoo kale, waxaa uu eraygu cadayn u noqday sida uu qabiilku uga mudan yahay Soomaalinimada iyo fudaydka dadka Soomaaliyeed lagu xanto markay ay la soo gudboonaato xaalad adag.Dadka sida tooska ay u taabatay halhayskaas waa dadkii deganaa magaalo madaxda Soomaaliyeed ee xamar guud ahaa, gaar ahaana dadkii ku noolaan xaafada qadiimiga ah sida “kaambo Amxaaro” iyo “Xamar Jajab”, si kastaba ha ku soo degaane, dadkaas oo ab-ka-ab ku sugnaa deegaankaas in ku dhow qarni. Dadkaas lama siin fursad madaama ay dhici karto in aysan hal maalin oo noloshooda ka mida aysan taabicin, taageerin ama aysan la shaqayn xukuumadii kacaanka. Taas sabab u noqotay in dagaalka uu sii socdo madaama arinti isu bedeshay qabiil, qabiil kale qaxinaaya.Ugu danbaynti, halhayska Ra’isal Wasaaraha “Nabad-diid” waa in uusan noqon mid laabla’kac ah, oo aan u aabo yeelin nabad-diidka dhabta ah iyo shacabka tuhunka loo qabqabto. Taas macnaheeda ma aha in la joojiyo dagaalka lagula jira kuwa“wajiduubtaan” caadada ka dhigtay argagaxisnimada iyo boobka dadka maatada ah ee ku nool degaanada ay ku hareen waqtigaan xaadirka ah. Sidoo kale,halhaysku waa in uusan noqon sida erayadii ku caan baxay dhibta, gumaadka iyo kala qaybinta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Soomaaliya ka degan yihiin: Bari, Galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba, ayna xaquuqda Soomaalinimo ka horayso qabiilka qofka uu ka dhashay, oo aan qofna qabiikiisa owgeed loo bari kacin ama loo dilin.Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida degan Minneapolis, MN –junlay99@aol.com.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news