Dahabshiil-Gif
 
|

Labaatan Qof oo ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay inta udhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

shilgaari-1Labaatan Qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil laba gaari oo galabta ka dhacay inta udhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Labaatan qof oo ku safrayay inta udhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ka dib markii ay isku dhaceen labo baabuur oo uu midkood ahaa Gaari nooca xamuulka qaada midka kalana Gaari nooca loo yaqaan dyne.

Gurmadka oo daahay ayaa sababay geerida dadkaasi, waxaana markii danbe laga soo daad gureeyay meydadka dadkii ku dhintay.

Dhinaca kale waxaa maanta shil gaari uu ka dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada, kadib markii gaari soo fariin goostay uu dilay hal qof, qof kalena uu ku dhaawacmay.

In lilaahi wa inaa ileyhi raajcuun ilaha unaxariisto ehelada dadkii ay ka dhinteen Samir iyo inaam alaha ka siiyo aamiin..

Halkaan ka daawo http://www.calankamedia.com/?nid=11131om/?nid=11131

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news