Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa lagu soo warmaayaa inay ku dagaalameen deegaanno hoostaga Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa lagu soo warmaayaa inay ku dagaalameen deegaanno hoostaga Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Wararka ka imaanaya deegaanno hoostaga Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaais uu dagaal xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray Maleeshiyo beeleed wada dega halkaasi.
Inta la’og yahay 7-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib markii uu dhacay dagaal u dhaxeyay Labo beelood oo wada dega deegaanno hoostaga Buuhoodle.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kaddib markii mid ka mid ah beelaha dega halkaasi uu weerar aargudasho ah ku qaaday Maleeshiyaad ku sugan deegaanka Buucame oo dhinaca Koofureed kaga beegan Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Labada Maleeshiyo ayaa lagu soo warmayaa inay wadaan hub urursi iyo dhaq dhaqaaqyo cidan, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka cid kala dhexgashay Maleeshiyaadkaasi