Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya ayaa ku eedeeyay maamulada Puntland iyo Soomaaliland in ay ku soo qaadeen dagaalo toos ah oo ay ku doonayaan in ay maamulkaan meesha kaga saaraan.
Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya ayaa ku eedeeyay maamulada Puntland iyo Soomaaliland in ay ku soo qaadeen dagaalo toos ah oo ay ku doonayaan in ay maamulkaan meesha kaga saaraan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha khaatumo State of Somalia Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa ku eedeeyay maamullada Somaliland iyo Puntland inay ku midoobeen dagaal ay la galaan Khaatumo.
Wuxuu sheegay masuulkaan ka tirsan maamulka Khaatumo in saraakiil ka kala sicota Puntland iyo Soomaaliland ay kulan ku yeesheen agagaarka Buuundada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka dibna ay u heshiiyeen maamulka Kaatumo.
Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa wuxuu intaasi uu ku sii daray in Puntland iyo Soomaaliland ay haatan isku xiranyihiin isla markaana ay ku midoobeen oo kaliya bur burinta maamulkaan.
Hadalkiisa waxa uu intaa ku daray in labada Ciidan midba dhinac uu ka soo weeraray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ka arrimiyaan maamulka Khaatumo State isagoo tilmaamay in qarashaadka ku baxay in duulaankaasi ay Somaliland soo qaado uu bixiyey maamulka Puntland.
Si kastabada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan eedeynta maamulka Khaatumo State uu u jeediyey inkastoo maamulka Somaliland uu arrintaasi been abuur ku tilmaamay
War maxaa naga galey darood is dagaaleya ama waxa dhulkooda ka socda maxaa inaga hortaagan inaad galmudug horumarkeeda warar xambaarsan soo tabisaan ama mogadishu ama dhulalka kale ee hawiye .maxaaba naba dhigey wax darood ka dhex socda ka isku dhamaadan ama ha heshiyaan wax noo yaala anaka ma ahan