Maamulka Somaliland ayaa sheegay inaysan kaqayg geli doonin maanta wajiga labaad ee Shirka Magaalada Istambul ugu soconayo dhinacyada Soomaalida ah,waxaana kujiray Shirkaas ergo kasocota Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay inaysan kaqayg geli doonin maanta wajiga labaad ee Shirka Magaalada Istambul ugu soconayo dhinacyada Soomaalida ah,waxaana kujiray Shirkaas ergo kasocota Somaliland.
Ilo kudhow Shirka Istambul ayaa muujinaya in Ergadii kasocotay Somaliland ay diideen kaqayb galka Shirka maanta lagu wado in looga hadlo Arimaha Siyaasada.
Wararka ayaa waxaa ay intaas kudarayaan iney dhinac uwada baxeen ergada Somalinad taas oo ay kumuujinayan Sida ay ugu Go’antahay inay kasoo horjeedaan kaqayb galka Shirka.
Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashada Soomaaliland Cali Xaamud Jabriil oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka maanta uusan waxba ka qusayn ayna kaqayb gelayn.
Wasiirka ayaa beeniyay wararka sheegaya in Somaliland ay kasoo dhawaanayso Mowqifkeedii hore ee ah inay ka go,ayso Soomaalida inteeda kale madaama ay kalaqayb galayaan Shirarka waawayn ee looga hadlayo Arimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu kujawaabay in Shacacabka Somalilad iyo maamulkoodaba ay leeyihiin hal mowqif oo ah inay ka go’aan soomaali wayn islamarkaana aan lagu qasbi Karin Meel aanay rabin.
Wajiga hore ee Shirka Istambul ayaa shalay Furmay iyadoo goob joog ka ahayeen Ergada kasocotay Somaliland,maanta oo lagu wado in wajiga labaad uu Furmo Somaliland waa ay qaadacday kaqaybgalka Shirka.
