Maamulka Waxbarashada Gelinsoor Oo Codsaday In loo dhamaystiro Dhismaha Dugsiga Sare Oo qabyo ah hadda
Gudiga waxbarashada Degmada Gelinsoor Ee Xarunta Gobolka Kulmiye ayaa Jaaliyadda Dibadda ee U dhashay Gelinsoor Iyo NGOs Ka Samafalka waxay ka codsanayaan In loo dhamaystiro dhismaha Dugsigii sare ee Gelinsoor oo bur-bursan .
Gudigu Waxay bilaabeen dhismaha dugsiga oo kala bar sii maraya iyagoo iskaa wax u qabso ku bilaabay howsha dhismaha iskuulka oo aad loogu baahanyahay waqtigaan si dhalinta deegaanka waxbarashada ugu dhamaystaan gurigooda inta ay jaamacadda ka gaarayaan
Dadka howshaan hadda ku howlan waxaa ka mid ah Cabdulahi Maxamuud Qowdhan oo sheegay in ay markaan wax dhaqaale ah oo ay howshaan ku sii wadaan Sidaa darteed ay jaaliyadda dibad ka codsanayaan in lala dhamaystiro dhismaha iskuulka sare ee Galinsoor Oo tan iyo Xilligigii Xukuumadda Somalia ay burbrtay isna burbursanaa dadkiina laga fiiqday mar hore Cidii Daneyneysaa arrintaan waxay kala soo Xariiri Karaan Cabdulahi Maxamuud Qowdhan oo ah Howl wadeenka Howshaan Hadda Wada ama Tel : 678107777


dadka deeganku wey is xilqaameen wayna ku mahadsan yihiin isxilqaamkooda, waana in gacan lagu siiyaa sidii iskoolku u dhismi lahaa, degmada galinsoor waa magaalo ay dilooodeen dagaalo soo laab laabtay, taasoo sababtay inay dhalinyaradu shaqo ka dhigtaan ka sheekeynta dagaalo iyo cunista maandooriyaha Khaadka, haddii aan wax laga badalina waxay dhib weyn ku keenaysaahormarka bulshada iyo deegaanka, jaaliyadu intay dagaal ku dhiibi jireen in ka yar ha ku dhiiban iskoolka degmada Galinsoor,
asalaamu caleykum waraxma ugu horeyn waxan salaamayaa dhamaan bulshada degta gelinsoor iyo cid walba oo daneynaysa horumarka degmada,intaas kadib waxan baaq u jeedinayaa bulshada gelinsoor gudaha iyo dibadda iney ka shaqeeyaan xallinta khilaafaat-ka soo laalaabtay oo ka jiro agagaarka gelinsoor, iyo sido kale iney ka qeyb qaataan dib u habeynta degmada si gaar ah station-ka,schoolka,iyo meelaha kale oo dadweynaha ka dhaxeeya. wabillahi towfiiq