Dahabshiil-Gif
 
|

Maamulka Xaruunta (SWCDO) Oo Codsi Udiray Jaaliyadda Reer Galmudug

3

Xaruntaan Oo dhowaan ay Fureen Haween kamid ah Jaaliyadda Sweden Ee Galmudug ayaa waxaa wax ku barta dumar iyo carruur Gaaraya 250 Ruux Kuwaas oo barta Xirfadaha Kala Ah.

Harqaanka, Cillaansaarka iyo Qurxintra Dumarka, Kombuyuterka, Farshaxanka, Cunto Karinta, Somali Iyo Xisaab.

waxaa xarunta ka shaqeeya dhowr qof oo shaqaale ah iyo shan macalin waxayna dhamaantood hadda ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah iyadoo xaruntana guriga ay ku shaqeeyaan ay Kireeyeen Jaaliyadda Sweden oo ay wakiil ka tahay Abwaanad Nasteexo Cabdi Cilmi waxayna ururkaas ku bilaabeen jeebkooda iyagoo wax hay’ad ama dowlad ah aan ka helin dhaqaale.

Xarunta oo hadda Camiran waxa ay masuuliyiinta Joogta xaruntaas Kacodsanayaan Jaaliyadaha Dibadda Iyo Hay’adaha samafalka in ay Gacan dhaqaale ka geystaan sidii loo sii wadi lahaa wax qabadkaas muhiimka ah ee loo hayo Bulshada Deegaanka.

Yurub Muxuyadiin Oo kamid ah Howlwadeenada Xaruntaan (SWCDO) ayaa codka mudug waxay u xaqiijisay in Ay aad ugu baahanyahiin in laga taageero dhanka dhaqaalaha sida mushaarka macalimiinta iyo Qalabeynta Xarunta oo hadda ay ku suganyihiin waxna ku bartaan Tiro Haween iyo Carruur ah.

Runtii Xarunta oo aan booqanay ayaa waxa ka muuqaneysay in dadka goobta wax lagu barayo iyo qalabka ay haystaan ee waxbarashada iyo booska intuba ayna ku filneyn ayna u baahanyihiin goob aad u ballaaran macalimiin intaas ka badan iyo agab waxbarasho.

Ugu Danbeyn waxa xaruntaas aad ugu mahdiyey kana faa’iideystay Dad danyar ah oo aan iska bixin karin qarashaadka tababarada dhanka xirfadaha ah iyagoo hadana si bilaash ah wax loogu baro si ay noloshooda u hormariyaan .

W/Q Axmed C/Laahi Cali Taakile

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

1

2

3

4

5

6

XAFIISKA WARARKA GAALKACYO

BY: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news