Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxda Sare ee Dowladda oo isku khilaafay qofka loo magacaabayo Wasaaradda Aminga

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Max’uud iyo raisul wasaaraha dalka C/wali Shiikh Axmed ayaa xalay kuan xasaasi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.xasan

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxaa kulankaas looga hadlay qaabkii isku shaandheyn kooban loogu sameyn lahaa golaha wasiirada, loona magacaabi lahaa wasiirka amniga Qaranka.

Labada masuul ayaa ku kala aragti duwanaaday arintan, iyadoo raisul wasaaruhu uu wado isagoo ka faaideysanaya isku shaandheynta qorshe ku saabsan inuu meesha ka saaro illaa shan wasiir oo shaqadooda uu dhaliilsan yahay, kuna bedelo masuuliyiin kale.

Hase ahaatee madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka hor yimid qorshahaas iyadoo sababtuna ay tahay wasiirada uu Raisul wasaaruhu doonayo inuu meesha ka saaro oo ay ku jiraan qaar isaga saaxiibo dhow la ah.

Kulanka labada masuul oo qaatay muddo saacado ah ayaa la isku mari waayey sida wararku sheegayaan, waxaana lagu kala dareeray iyadoo aan isfaham laga gaarin arrimaha laga wada hadlay, inkastoo wararku sheegayaan in kulan kale ay u balameen.

Raisul wasaaraha ayaa doonaya in isku shaandheynta ay u dhacdo si deg deg ah maadaama xukuumadu aysan laheyn wasiir amni markii dhowr habeen ka hor uu xilkaas casilay wasiirkii ku magacownaa.

Masuuiyiinta ugu sareysa dowladaha mudooyinkan dambe soo mara Soomaalida ayaa ku caan baxay muran iyo khilaaf siyaasadeed oo soo shaac baxa intiisa badan marka la doonayo in isbedel la sameeyo, murankaasoo ku saleysan nin jecleysi iyo waxyaabo kale oo qaranka aan daan ugu jirin.

Comments are closed

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news