Madaxda Ugu Sareysa Dalka oo Ka Hadlay Dhibaatada Burcad Badeedu ay Ku Hayaan Somaliya
Raysal wasaaraha Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Maanta ka hadlay arimo La Xiriira Burcadbadeeda Somaliya
Cabdi Farax Shirdoon Ra,iisul Wasaraha Dalka ayaa Sidoo Kale Wuxuu sheegay in ay ka go’antahay xukuumadiisa in la soo afjarilahaa Burcad badeednimada ee ka Hirgashay xeebaha Soomaaliya..
Raysal wasaaraha ayaa Tibaaxay la heesta yaal Ajaanib ah oo dhowaan xuriyadooda dib u helay mudo Sadax sano ka dib ah, kuwaas oo xukuumada Soomaaliya ay ku sagootisay garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu intaasi ku daray Raysal wasaaraha hadalkiisa in kooxaha burcadbadeeda ay dhudhooda garowsadeen in ay ka baxaan falalka xun ee burcadnimo, wuxuuna tilmaamay in ay xukuumadiisa soo dhowaynayso.
Hadalka Raysal wasaaraha ayaa wuxuu ku soo adayaa xili mid ka mid ah ragii ugu aas aasay burcad badeeda iyo waliba koox dhalinyaro ah oo uu watay ay sheegeen in ay ka tanaasuleen arintaasi ka dib shir ka dhacay magaalada Cadaado.
Sikastaba Arinkan aya Waxa uu Ku Soo Begmaya Xili Somaliya Ay Ka Soo Baxeen Kooxo Burcad Badeed ah Kuwaasioo Shiada La Shegay Qal Qal Galiyay Ganacsiga Aduunka
WWW.CODKAMUDUG.COM
XAFIISKA WARARKA MUQDISHO
Email: codkamudugfm@gmail.com
