Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxwayne Ku Xigeenka Galmudug Oo Maanta Kusoo Wajahan Gaalkacyo Iyo Shirka Ka Furmaya

Maxamed xaashi cabdi carabeey madaxwayne ku xigeenka dawlad gobaleedka galmudug ayaa maanta kusoo wajahan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug oo uu ka furmayo wada hadal u dhexeeya galmudug iyo puntland.

 

 

Garoonka diyaaradaha magaalada gaalkacyo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu soo gaaro wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenka galmudug, waxayna isla garoonka gaalkacyo kaga qayb galayaan tababar loo furayo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda galmudug iyo puntland.

 

 

Tababarka loo furayo ciidamada isku dhaf ah ee ka kala socda galmudug iyo puntland ayaa waxaa si wada jir ah u furi doono madaxwayne ku xigeenka puntland c/xakiin xaaji cumar camey iyo madaxwayne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi carabey waxayna intaasi ka dib labada dhinac yeelan doonaan wada hadalo ku saabsan xaalada nabad galyo ee gobalka mudug.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news