Madaxweynah Galmudug oo la kulmay Engrada dhismaha Dakadda Hobyo
Engineeradaan oo ah kuwo u yimid dhismaha Dakadda Hobyo ee Gobolka Hobyo oo Goordhow Gaalkacyo Soo gaaray kuwaas oo maanta kulan layeeshay Madaxweynaha Galmudug iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Galmudug .
Afhayeen u hadlay Engineerada oo lagu magacaabo MAX ayaa Madaxweynaha iyo warbaahintaba u sheegay in ay ku yimaadeen is afgarad dhexmaray iyaga iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan kuwa Galmudug Staet wuxuuna intaa ku daray Max in Ganacatada iyo iyaga uu is afgarad wanaagsan dhexmaray islamarkaana Maamulka Galmudug ay kafilayaan is afgarad kaa lamid ah uu dhexmaro
Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa isna dhinaciisa sheegay in uu soo dhaweynayo Imaatinkooda horeyna Ganacsatada ay isku arkeen islamarkaana ay iku afgarteen Howlaha Dakadda Hobyo Galmudugna ay soo dhaweynayso Hormarkasta ee Dalka laga Hirgalinayo
Dhinaca kale Madaxweynaha waxa uu u hambalyo iyo Bogaadin Gaar ah ku soo dhaweeyey Cabdi Qani Jeenyo oo Gaalkacyo u jooga Hormarinta Sportiga Galmudug C/qani oo Casuumaad Gaar ah kahelay Wasiirka Wasaaradda Sportig Galmudug Mudane Saadaq Daahir mire waxaana Galabta lafilayaa in Wasiirka Sortiga Galmudug Cabdi Qani Jeenyo iyo Madaxda Galmudug ay ka Qayb Galaan Ciyaasr Saaxiibtinimo oo dhexmaridoonta dhalinyarada Galdogob iyo Gaalkacyo Ciyaarta ayaa Goordhow ka dhacaysa Garoonka C/laahi Ciise Maxmuud ee Xaafada Hormar
Liban Isse Omar
















ASC waxan halkan ka salaama dhamman tifaftirayaasha codka mudug
marka xiga waan idiin hambalyeyna shaqada culus oo aad heysan
marka xiga xooga codka hagaajiya guux baa ku jiro mahadsanid