Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweynaha Dawladda Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo baaq u diray Beelo Dagaalamay

qaybMadaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay Codkamudug Radio ayaa ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Degmooyinka Gurceel iyo Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud.

Cabdi Xasan Cawaali ayaa Dalbaday in Xal Deg Deg ah laga gaaro Dagaalkii ka dhacay Gobolka Galgaduud,waxaana uu ku tilmaamay Nasiib daro.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Qeybdid ayaa sheegay in Dadka Dega Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya aysan Xiligaan rabin Dagaal iyo Khilaaf intaba oo ay ku howlan yihiin Dhismaha Maamul ay leeyihiin.

Degmooyinka Gurceel iyo Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Garab kamid ah Ahlusunna.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news