Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweynaha Dowlada Somalia Oo Cadaado Ku Sugan Oo aan Wali Wax Warihi kasoo Bixin

6

Madaxweyne xasan sheekh Maxamuud iyo Wafdi Uu hogaaminayo ayaa maalinnimadii Shalay ahaad Soo gaaray Magalada Cadaado Ee Xarunta Maamulka Ximan Iyo Xeeb Asagoona Kala Kulmay Soo dhaweeyn Diiran.

Madaxwenaha ayaan La hadlin Warbaahinta sababtoo ah waxaa Laqabaa Duhmo aan Saas U Burneyn Ama Khilaafyo yar yar Waxana la isku Dayayaa in la dhameeyo Inta aan Saxafada lala hadlin.

madaxweynaha somalia ayaa tagay Melo badan Oo Loogu talagalay In shirka Lagu Qebto kaa Oo Ilaa Iyo Xalay Ku Waregayay magaalada Si Uu u Ogaado Amaanka Iyo Sida ay U diyaarsan yihiin Dadka Gobolada dhexe Kuwaa Oo hada Doonaya In ay mar un arkaan Maamul lawada Leeyahay Ee ka shaqeynaya Gobolada Mudug Iyo Galgaduud.

Xalada magalada cadaado ayaa ah Mid aad U dagan ayadoona ay Ku Sugan yihiin Ergo badan Oo ka kala Timid Gobolada Mudug Iyo galgaduud Kuwaa Oo ka Dhulsugaya Furitaanka shirka maamul Sameeynta Gobolada dhexe Ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Soo gaaray maalmihii lasoo Dhafay magalada Cadaado Musharaxiinta U taagan Qabashada Xilka madaxtinimo Ee maamulkaasi waxa ayna tira ahaan gaarayaan Ilaa iyo Lix Musharax Kuwaa Oo Isku diyaarinaya Sidii ay Cod U Heli lahaayeen.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news