Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweynaha Galmudug oo Shir Caalami ah uga qeyb galaya Danmark

141Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii danbe ee maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayagoo ku wajahan Magaalada Copenhagen ee Wadanka Danmark.

Madaxweynaha Galmudug ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay qaar ka mida Golaha Wasiirada Xukumadda Galmudug waxayna Magaalada Copenhagen uga qeyb galayaan shir heer caalami ah oo looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha Dalka Soomaaliya kaasoo 19 ka bishaan ka dhacaya halkaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inuu shirkaasi kasoo jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo arrimaha kala duwan ee ka jira deegaanada Galmudug waxaana shirkaasi goobjoog ka noqon doono Wufuud caalami ah oo ka socota Wadamada Midowga Yurub iyo Dowladda martigalisay shirkaasi ee Danmark.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news