Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweynaha Somalia oo Gaaray Cadaado iyo Kulamo Goordhow Furmi Doona

Madaxweynaha Somalia

Madaxweynaha Dowlada Somaaliya Xasan Sheikh Maxamud Oo Maalmihi ugu dambeysay Laga Sugayay Dagmada Cadaado ayaa Gor Dhow ka soo Dagay Garoonka Diyaaraha Cadaado

Xasan Sheikh ayaa Garoonka Cadaado waxaa ku soo dhaweyay Xubna kala socoda Labada Golle ee Dowlada Oo Labadii Cisha ku sugnaa Dagmada Cadaado islmarkana kulmo fashil ku dhamaday la qaadanayay Madaxda Ximan iyo Xeeb

Garoonka ayaa waxaa kula sugan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ximan iyo xeeb iyo ergada ka qeyb galeysa shirka maamul usmaeynta Gobolada Dhaxe

Madaxweynaha ayaa Markii uu ka Dagay Garoonka ayaa Waxaa uu mid mid u gacan qaaday shacabki ku soo dhaweyay Garoonka isagoo amaankiisa ay si aad u ilaalinayaan ciidamada itoobiya iyo kuwa madaxtooyada soomaaliya oo shalay cadaado soo Gaaray Cadaado

Xasan Sheikh iyo Wafdigiisa ayaa waxaa loo soo galibiyay xarunta Madaxtooyada Ximan iyo xeeb halkaasi oo la filayo in kulamo kula qaato saxiixayasha maamul usmaeynta gobolada dhaxe oo hadda ka biya diidan sida ay wax u wado dowlada soomaaliya

Madaxweynaha ayaa qeyb ka noqonaya xubna dowlada ee ku sugan cadaado inkastoo ay muuqto in xasan sheikh uu wado qorsha uu kala qeybinaayo saxiixayasha Maamul usmeynta gobolada dhaxe hadii uu ku guuleysan waayo wada hadlada uu hadda cadaado u soo aaday

Lama saadaalin karo sida xaalka uu noqon doono iyo sida ugu fudud ee lagu dhameynaayo qilaafka hadda taagan

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news