|

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay Ganacsatada Soomaaliyed

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay Ganacsatada Soomaaliyed malaayiin doolar, si saddexda bilood ee soo socota lagu qabto howlaha Dowladda, kadib markii xalay uu kula kulmay Magaalada Nairobi ganacsato.

Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ugu horeyn uga hadlay waxyaabihii Dowladiisa ay qabatay, isagoo si cad u sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

“Waxaa la idinka rabaa inaad saddexda bilood ee soo socota aad bixisaan saddex milayn doolar, ama Malyan bixiya ama bar bixiya hadaa tihiin Ganacsatada Nairobi”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan dayaacado laga faafiyay dowladda oo ahaa in lacago lunsatay, waxaana uu xusay in dowladdiisa ay ku guuleysatay in gobolo badan ay qabatay, howlo badana qabatay, waxna ay u dhiman yihiin.

Hadii la doorto ayuu sheegay in uu qaban doono dhamaan howlah horyaal dowlada gaar ahaan dhamaystirka in maamulada dowlada la gaarsiiyo goboladda dalka, in dib loo soo celiyo amaankii iyo kala dambayntii, in lasii wado wadahadalada Somaliland iyo arimo kale.

Magaalada Nairobi ayaa ah halka Ganacsatada Soomaaliyed ganacsiga ugu ballaaran ku leeyihiin marka laga hadlayo dalka dibadiisa, iyadoo Suuqa Islii uu yahay suuq ballaaran ee Ganacsatada Soomaalida ku ganacsadaan

2 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay Ganacsatada Soomaaliyed”

  1. abdiwali says:

    fadlan waa rayi fiican waxa aad soo qorteen balse waxaa idinka maqan ma aadan soo qorin meesha lagala xariirayo gudigaas

  2. KALFOOTO says:

    mudan shariif waxuu ka wada gacanatad g/gidir waa in aat imaqahan oo igu soo daba feeshaan lacagtinan waa idin harciyenay hadat didan mihii mah maaha maca nehedan waa jiliciantihin manta idin kaa ugu lito cml ee bad lacagta keen cml

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news