Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Dib ugu soo laabtay Gaalkacyo.Sawiro

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed iyo Wafdi uu hugaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo, Ayadoona ay kasoo kicitimeen Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya.

Waxaa Madaxweyne ku xigeenka socdaalkiisa ku wehliyay labo ka mid ah Wasiirada cusub kuwaasi oo kala ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xasan Maxamed Siciid Gacaliye iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Galmudug Xasan Xaashi Warsame, Masuliyiintaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Wasiiro, Maamulka Gobolka mudug kan Dagmada Gaalkacyo iyo qaar ka mid ah Qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqa Dagmada Gaalkacyo Bile diini Cali, Gudoomiyaha Gobolka mudug Aweys Cali siciid iyo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xasan Ruush Xasan ayaa si isku mid ah Wafdiga ugu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cabdi Samad nuur Guuleed ayaa ka warbixiyay Socdaalo uu ku tagay Magaalooyinka muqdisho iyo Nairobi, Marka hore wuxuu tilmaamay in magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay Safiiro, Saraakiil UNka ka tirsan iyo Jaaliyada Galmudug ee dalkaasi, C/samad ayaa hoosta ka xariiqay in Waqti dhaw Qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ay xarumo ka furan doonaan Deegaanada Galmudug, balan qaadkaasina ay soo heleen.

Cabdi Samad Nuur Guuleed Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa carababay in amaanka Galmudug uu wanaagsan yahay islamarkaana haatan Ciidamada iyo shacabka Galmudug laga doonayo inay sii adkeeyaan, Wuxuuna ku baaqay in iskaashi la sameeyo, Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Masuuliyiinta Dawlada soomaaliya qaar ka mid ah kulamo lasoo qaateen islamarkaana goor dhaw tayadooda la kordhin doono Ciidamada Galmudug.

Dhan walba hajirtee Wasiirada Cusub ee Galmudug ayaa lagu wadaa in saacadaha Fooda nagu soo haya la dhaariyo kadib markii inta badan ay soo xaadireen Xarunta Dawlada ee Gaalkacyo Marka laga reebo Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha iyo amniga Galmudug Cabdi yuusuf Xasan Warsame.Xigasho Hobyo RadioAsamad8514 Asamad85141 Asamad85144 Asamad85145 Asamad85146 Asamad85147 Asamad851410 Asamad851411 Asamad851412 Asamad851413 IMG_2483

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news