Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed oo Magacaabay Gudiga Doorashooyinka iyo gudi balaarinta Galmudug
Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen 3gole ee xukumada Galmudug odayaasha dhaqanka ururada bulshada galmudug iyo musharixiin gaaraya 3 musharax oo ka dhacay gaalkacyo ayaa manta lagu magacaabay 2gudi oo kala ah gudiga doorashada iyo gudiga balaarinta galmudug ,
Gudiga doorashooyinka oo magacaabistiisa dib u dhac uu ku yimid ayaa manta lagu magacaabay wareego ka soo baxdey shir uu shir gudoominayey madaxweyne Caalin waxaana wareegtada ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed oo madasha shirkaasi ka aqriyey wereegta .(Dhagayso) (Dhagayso) Cabdi samad nuur guled
Maagacaabista gudiyadaan waxa ay ku soo aadeysaa xili madaxweyne Caalin uu dalka dibadiisa ku maqanyahay isamarkaana ay jiraan warar sheegaya in Caalin iyo Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanku Cowke Xaaji Cabdi ay doonayaan in mudada loo kordhiyo iyadoo Xukumada Hada jirta lagu dhaliilayo wax qabad la.aan baahsan iyo musuq maasuq maasuq Hanti Dadweyne


Mudane abdisamad waxa tahay wadani dalkiisa Iyo dadkiisa jecel guulbaankugu ogahay
ASC oy leen dibi waa dibi wali ma dhagbaa bari ma dhaarba barimaysku dhigbaa?
Mudane cabdi Samad talaabo muhiim ah ayuu manta fuliyay taas oo ladhihi karo waa horumarka galmudug anigoo filaya inuu mr caalin uu qaadan doono talada belwaynta
ASC WR WB Dhamaantiin, : markaan rayigeyga aan ku biiriyo maqaalkaan waxaan oran lahaa: yaan leysku daalin Galmudug qar ayay ka lulataa xalkeedina caqligi keeni lahaa meeshaan kama muuqdo.
Waxaan saas aan u irina waxa weeye ragi laga sugaayay xalkeeda ayaa horseedaaya burburkeeda ayaga oo ay umuuqato oo kaliya in ay kursigaas fariistaan.Ragbaa hada waxey abaabulayaan in ay afgambi ku qabsadaan, xisaabtase kuma darsan in rag wax kala dhexeeyaaan .Sacadna waxaan leeyahay taariikhda dib haloo jaleeco waayo ayadaa macalin ah kuna tusta hadba qaladki hore kaaga dhacay kuna barta in aad dib aad isku saxdo. Hadal iyo dhamaantii Sacadoow waxaad ku socotaa wadadii 1996 . walaahi haddi aadan is daba qabana tii mid kadaran ayaa ku dhaceysaa , Raga hada dabka shidaayana ha laiska qabto ….warjooga ….warjooga…..warjooga…… kuwa noo hogaminaaya in aan burburno yaan lagu taageerin Warcaqligu hataliyo ninka leh doorasho ayaan qabanayaa iyo kan leh xiligi wali iima dhamaan iyo kan leh hala idoorto uma muuqdaan wixi hore u dhacay ama waxa uu iska indha saabayaa taariikhdi hore loo soo maray ee yasan nadagin …dowlada lasheegaa aniga shaqsiyan waxaan ka jeclahay Sacad wallaha ah is jecel, isku hiiliya, iskaal meeya, gacmaha is qabsada, oo marka aan maqlo ninkanu waa sacad aan u gurmado soora oo sooryeeya, ninkeena meel shira tagana aan qaadano waxa uu noo sooqaado . Waxaan intaas aan ku soo gabagabeynayaa rayigi aan ka dhiibtay Maqaalkaan .hadii aan qalad ku hadlayna raali halaiga noqdo haddii sidi ay aheydna aan asiibay waa wanaag .Sacadna waxaan u rajeynayaa midnimo horumar iyo in ilaah u soo celiyo karaamadedi hogaan fiicana ilaah ha u sahlo iyo towfiiq.. Wabilaahi towfiiq