Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweyne Xasan Sheekh “ Halla soo maro waddada saxda ah ee Dastuurkeenna tilmaamayo”

Mogadishu, 08,May, 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Xildhibaannadii Baarlamaanka ee bayaanka soo saaray.0007

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay Xildhibaanadda Bayaanka ay ku soo jeediyeen ra’yigooda. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu aad u qadarinayo ra’yiga qof kasta oo Soomaali ah ha ahaado siyaasi ama shacab.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu diyaar u yahay in uu la fariisto qof kasta oo ra’yi qaba kana dhageysto islamarkaana qaato ra’yi walba oo wax dhisaya. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada qaar ee maanta u yimid in ay shalay iyaga oo idil soo doorteen maantana diyaar u yahay haddii la soo maro wadada saxda ah ee uu Dastuurkeenna tilmaamayo.

Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shuruucda dalka iyo dhaqanka Dowladnimada laguna ilaaliyo Dowladnimada dhaxdeedada.

Dhamaad **

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news