Dahabshiil-Gif
 
|

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo isku soo taagay qabashada xilka Wasiirka Amaanka Qaranka

Caalin1Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa shaaca ka qaaday inuu ursharraxan yahay xilka Wasiirka Amaanka Qaranka ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya kadib kulan uu maanta Magaalada Muqdisho kula qaatay Xildhibaanno,siyaasiyiin iyo waxgarad ay isku hayb yihiin.

Mr Caalin ayaa kulan casuumad ah oo uu usameeyay xubno muhiim ah oo ka tirsan Beesha Habar Gidir kana ka dhacay hotel Safari oo ku yaallaa magaalada Muqdisho waxa uu shaaciyay inuu u taagan yahay qabashada xilka Wasiirk Amaanka Qaranka Dowladda Soomaaliya isagoona sheegay inuu khibrad buuxda uleeyahay arrimaha nabad galyada isla markaana uu waxbadan ka badali doono nabad galayo darrada ka taagan Dalka Soomaaliya.

Dhamaan dadkii ka soo qayb galay casuumadda uu sameeyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Col,Caalin oo halkaasi ka soo jeediyeen khudbado ayaa waxa ay isku waafaqeen in xilkaasi loo magacaabo Maxamed Axmed Caalin Maxadweynihii hore ee Galmudug iyagoona ku amaanay inuu muujiyay howlo karnimo iyo dadaal mudadii uu Galmudug ka soo haa Madaxweyna, waxayana hoosta ka xariiqeen inay la shaqayn doonaan hadii uu uu ku guuleysto xilkaasi culus.

Sikastaba ha ahaatee tan iyo markii uu is casilay Wasiirkii hore ee Amaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa isa soo tarayay kulamo ay yeelaneen siyaasiyiin iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Habar Gidir kuwaas oo ka tashanayay masuulkii Dowladda dhexe ugu matali lahaa xilkaasi..

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news