Maleeshiyaad hubaysan ayaa weerar gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen Dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Deegaanka Miro-cowleed ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaad hubaysan ayaa weerar gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen Dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Deegaanka Miro-cowleed ee gobolka Galgaduud.
Inta la’og yahay labo ruux ayaa ku dhimatay1-kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii Maleeshiyaad hubaysan ay weerar ku qaadeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Tuulada Miro-cowleed ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dadka geeriyooday ayaa ahaa dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaankaasi, iyadoo Maleeshiyaadkii weerarkaasi gaystay ay isaga baxsadeen goobta, waxaana durba halkaasi gaaray Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Galinsoor kuwaasi oo doonaya inay xaliyaan Beelo halkaasi maalmihii u dambeeyay isaga soo horjeeday.
Odayaasha ayaa doonaya inay xaliyaan Xiisadaha u dhaxeeya Labada Maleeshiyo ee kasoo kala jeeda Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ee gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana xilligaani socda dadaallo ay wadaan Odayasha kasoo kala jeeda labada dhinac.
Majiro wax war ah oo hadda kasoo baxay Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ku aaddan dhacdadaani xalay ka dhacay deegaanka Miro-cowleed ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Inta badan isku dhacyada Maleeshiyaadkaasi ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul daaqsin iyo waxyaabo kale, waxaana arrintaani walaac xooggan ka muujiyay Odayaasha oo doonaya inay xaliyaan.
waa wax layaableh oo sacadku habeenkii wax ma arkaan miyaa markasto habeenkii lamiraa iyaku habeenkii miyay baqaan wax mamiri karaan miyaa xanin yihiina nin kale kushaqaysay ala dad nimo xumaa maamul bay sheganayaan hadana mayaqanin dhar baxada kulul sida cadowga loogu dhufto waa iska firsanayaan waxay moodeen nabadu inay is maskiinin kutimaado war raga iskaceliya matadiina jaraya oo rag iskadhiga oo isku gurmada haydawaninee saleebaan makala haro qorshayna wax ku dilaan idinkuna habarba meel tagan tahay walee salkiin waa hoog saleebaan horumarna waa wadaa dagaalna waakujiraa idinka maxaa idin diiday sidaas inaa horumarna suubisaan dadkana iska celisaan rer ayaanle wisil masoo dhafaan jidka galkacyo wisil udhaxeeyaan rer hilowle xasid nimo sacad meel lafadhiyaan furumaha waxaa tagan nimcaale iyo rer jalaf aaway sacadkii kale geerida walalahood miyay ku far xayaan duli walee bari waa idinka maamulkana raga umadayaan hadana wax mamaamuli karaan dadkii waxaa bahdilay maamul xumo war is kuduubnada mamulkana katashada meesha nin camiila cadow giina ushaqeeyaa jooga caalin caaale layiraahdo wax fican wax xun kala aqoon road mapka umooday inuu waxtar yahay jaran jaradana lagu fuulayaa walaan lasoo hadal qadin idacadaha iyo ja raaidka faroole laga hadlaa iyo dowlada ku meel gaarkaa bal maxaa daba dhigay faroole dad kiisa kalsooni maka haystaa yuumatalaa hadafkiisa siyasadeed maxuu yahay galmudug maxuu osoo hooynkaraa guul iyo guul daro jawaabtu waa guuldaro
kkkkkkkkkkkkkkkk wlhi waa dhib lkin waxaa larabaa in maamulka wax kaqabto waxa dhacaya runtana usheegaan shacabka in dowlad lasheegto shacabkana wax looq aban waa wax la iskula xisaabtami doono
asc waxaan salamayaa dhamaan bahda codkamudug iyo dhamaan aqristayasha coments ka bixinayaa dhalin yarada comentska bixineysa waxaan leyahay ka fiirsada waxa aad qoreysaan salebaan iyo sacad hal calool bey ka so wada baxeen halnaasna waa isla nugeen dad reer miyi ah oo is leenayaa oo ceel biyood iyo dhul daqsin ah isku dagalya salebaan iyo sacad badaxooda isuku leyn maayo aduunka dhan ayey ka jirta in reer guuraagu daaqa iyo ceelasha isku dagaalan marka cadifadu yeysan idin qadin , dhamaan galmudug iyo ximan iyo xeeb waa ka xun yihiin wax magaratada is dagaaleysa MADEXWEYNE CALIN isaga hortiis sacad waxaba maheeyn ee sacdoow calin xoojiya asc