Dahabshiil-Gif
 
|

Maxaa ka soo baxay wadahadalka Raisulwasaare Sharmarke iyo odoyaasha Dhaqanka Beelaha Gobolada Mudug iyo Galgaduud

dhuusmaraeeb

Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo wafdigii uu hogaaminayey ee booqasha ku tegey Magaalada Dhuusamareeb ayaa La yeeshay wadahadal taabanaya dhinacyada dib u heshiisiinta, dhismaha maamulka Gobolada Mudug iyo Gagaduud odayaasha beelaha ee ka qaybgelaya shirka dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb, waxa wafdiga Raislawasaaraha xubno ka ahaa wasiirka arimaha gudaha C/raxman Odowaa, Wasiirka Qorsheynta C/raxman Ceynte, Danjire Axmed C/salam Xaaji Aadan, Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur, Xildhibaan Duniyo Maxamed Cali iyo C/samad Macalin Maxamuud

Odayaasha dhaqanka ee la kulmay wafdiga Raisalwasaaraha ayaa ka codsaday xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay taageerto shirka dib u heshiisiinta ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, islamarkaana laga bixiyo dhaqaalaha shirka iyo fududeyntiisaba

Raisulwasaare Sharma’arke ayaa u sheegay odoyaasha Dhaqanka Gobolada Galgaduud iyo Mudug in Dawladda federaalku taageersan tahay shirkan iyo wixii kasoo baxaba, wakiillana ay uga tagayso, dhowaana ay shirka ku biiri doonaan xubno kamid ah guddiga farsamadu, Raisalwasaare Sharma’arke ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in Dawladdu shirka ka taageereyso dhinaca dhaqaalaha shirka ku baxay ama uu haatan u baahan yahay,

Qayb kamid ah wafdiga Raisalwasaaraha ayaa tegey Guriceel si ay u xoojiyaan xabbad-joojinta dhexmartay ASW iyo ciidamada DFS, sidaas oo kalana waxaa gaaray degmada Guriceel ciidamadii illaalin lahaa xabbad-joojinta.

Kulanka raisalwasaaraha iyo odayasha ayaa ku dhammaaday hannaan fiican oo ay labada dhinacba si dhab ah u wadahadleen, odayaasha dhaqanka ee Shirka ayaa u mahadceliyey Raisalwasaare Sharma’arke,

Dhinaca kale Raisalwasaare Sharma arke waxa uu maanta ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo kulan la leh dhiggiisa dalka Itoobiya

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news