|

maxaa lagudboon bulshada galmudug xiligan kalaguur ah

maxaa lagudboon bulshada galmudug xiligan kalaguur ah

galmudug lix sano ka dib waxeey yeelan doontaa madaxweyne cusub oo ah kii 3aad .madaxweynaha soo socda waxa hortaal hoowlo aad ufarabadan oo aan lixdii sano ee hore hirgalin .nasiib wanag manta galmudug waa maamul leh aqoonsi buuxa waaa kuma qofka uqalma inuu hogaamiye galmudug xiliga kala guurka kadib waxeey nala tahay anaga fikirkena ka arday iyo aqonyahan ahaan in madaxweynaha soo socdo lagu doorto tilmaamaha soo socda

1: waa inuu yahay shaqsi daacad u ah inuu bulshadiisa wax uqabto

2: waa inuu hormarin karo tacliinta oo ah iftiinka bulshada

3: waa inuu ku guuleysan karo soo celinta nabada iyo kala danbeenta

4:waa inuu ka ciribtiro karo isbaarooyinka iyo burcad badeeda deegaanka galmudug

5: waa inuu ku guuleesan karo ineey galmudug noqoto maamul la tartamo mamulada ka jiro somaliya

6: waa inuu karti uu leeyahay soo nooleenta ilihii dhaqaale ee galmuudg si bulshada galmudug eey u heleen dhaqaale xoog leh shaqooyina loo aburo

7:waa inuu galmudug ka badali karo qaabkii siyasadee oo eey kuu soo jirtay lixdii sano ee hore sida in markaan xoog la saaro siyaasada arimaha gudaha hadii eey ahaan leheed fidinta maamulka

intaas oo dhan waxaa aasaas u ah in lahelo barlaman tayo leh oo markaan la soo xulo xubno matali karo bulshada galmudug sidoo kalana leh damiir wadaninimo oo si wanagsan ula shaqeeyn karo mamulka cusub lana xisabtami karo xukamada iyo madaxweynaha cusub ee iman dono insha alaah

fariin ku socoto bulshada guduaha

maamul aan gacan ka helin bulshadiisa ma shaqeeyn karo marka bulshada galmudug waxaa la gudboon ineey si wanagsan ula shaqeeyaan maamulka oo eey ka fogaadaan wax ala wixii dib udhac ukeeni karo horumarkooda sida jufo jufada taas oo bulshadu caado ka dhigatay waxeey keentana dib udhac iyo wada shaqeen xumo intii waxaas eey bulshada ka jirto dhexdeeda wax horumar ah lama gaari doono .doorta ama la shaqeeya qof ala qofkii masalixda galmudug soo hooyn kara

fariin ku socoto bulshada galmudug ee wadanka dibadiisa ku nool

dadaalkii jaaliyadaha wax ku ool ayuu ahaa oo manta dhawaqiii jaliyadaha dibada galmuudg wax badan ayey tartay sida in galmudug aqoonsi gaarto laakiin dadaalkii waxaa la rabay ineey sii wadaan oo qof kasta waxuu awoodi karo inuu geeyo galmudug
waxaa jira waayadiii danbe ama aan ku aragnay shabakada xirirka calmiga ah ee facebook groupyo wato magacyo jufo taas oo aan uaragno anaga fikir ahaan ineey tahay mid aan ku habooneen bulshada dibada oo eey eheed ineey wax ka bartaan buslhooyinka eey la noolyihiin waxeey eehd ineey iska hilmaamaan arimhaas marka waxaan talo aahan usoo jedineyna in arimaahaas oo kale la diriro sababtoo ah waxba ma soo kordinayaan

fariin ku socota murashaxiinta

murashax kasta waxaa loga bahanayahy inuu ka run sheego waxyabaha uu leeyahay waan uqaban donaa bulshada hadii la idoorto sababtoo ah nin xil qaday eed qaad oo barito waxeey ku noqon dontaa fadexo hadii uu fulin wayo alle hortiisana waa la weey diin donaa xilkii uu dhabarka saartay qofkii laga guulestana waxaan ugu baqeeynaa inuusan muran iyo foowdo uusan ka keenin
bulshadu manta uma bahna isqabqabsi cusub oo waxaan rabnaa inana tartan la galno asaageen

shariif sh.c/qaadir maxamed axmed xasan kaahiye xasan xussen xirsi olow
shariif25@hotmail.com gaafaay@hotmail.com xasanbilaal@hotmail.com

wabilaahi towfiiq long life for somalia viva galmudug : our slogan is : waxbarta aan hormarka gaarnee

6 Responses for “maxaa lagudboon bulshada galmudug xiligan kalaguur ah”

  1. ascw.maanshaa aallaah,dhalinyarada soo diyaarisey maqaalka maxaa la gudboon reer galmudug,

    waan u mahadcelinayaa
    ragga kalana sidaas oo kale ayaa laga rabaa,inay dadkooda talo fiican siiyaan,
    ra,ayigoodana soo cabbiraan.

  2. liiban says:

    mashaaa alaaaaaah waxan ale uga bar yayaaaa dhalinyaradas caqliga iyo cilmiga ale siiyay in uu ku wada abuuro umadena galmudg wana mahasan tihiin walalehey

  3. liiban says:

    mashaaaaaaaaaa alaaaaah wad mahad satihiin walaha indhah galamudug war ku dayda ragas

  4. canab says:

    mashaaaaaa alah war galmudug waxey ubahan tahay ragan oo kale waxan dhihikaraa cabdulahi ciise ayaa lagu xusiisan karaaaa mashaa alah nolada war dhalin yaroy aan ku dayno ragan waxey no ishaareen mustaq balkeena

  5. xasan says:

    rageedii waxan dhihilahaa war ragan eey galmudug ubahantahay ee dorta

  6. walalaha dhalin yarada ah ee noso gudbiyay fikir kas wanag san waxan in kaga gudonay siwacan hada nahay gabdhaha galmudug waxan nagu waa jib ah in aan garab istagno wilashena donaya in aay dadkoda iyo dalkoda hor maiyaan lakiin waxan isweydiyaaa sadex daan wiil markasta way utagan yihiin ormarga galmudu mesha umada kale in teda badan aay utagan yihiin xaflad in aay qabtaan oo aay kacayaraan kuwa kalana aay dadka marasta iyo siyasiyiinta culumada aay isku qar xiyaaaan oo aay gubadan bas awlow cilmi iyo caqlaan kabarinay

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news