Dahabshiil-Gif
 
|

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday eedeysanayaal

Maxkamada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun dil ah maanta ku riday Labo Nin oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi ku eedeysay inay dileen 5 Qof oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Saado Cali Warsame, Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer, iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xassan Cali Shuute ayaa sheegay in kadib markii dambiga lagu helay ragaan ay Maxkamadda ku riday Xukunka.

Labada eedeysane ayaa loo ogalaaday in Xukunkooda ay ka qaadan karaan Racfaan.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news