Maxkamada Ciidamada Somaliya oo Xukuno Ku Fulisay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Somaliya

Dadka la xukumay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa todobo ruux kuwaasi oo afar kamid ah ay yihiin askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya halka sidoo kale saddexda ruux kale mid kamid ah ay aheyd haweenay.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday dadkaasi.
Wuxuu sheegay in todobada ruux shan kamid ah lagu xukumay 15-sano oo xarig ah halka sidoo kale labada kalena oo ay ku jirto haweenayda lagu xukumay 10-sano oo xarig.
Askarta la xukumay ayaa waxaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah shacabka iyo sidoo kale dhac ay geesteen iyadoo baaris kadib maxkamada ciidamada qalabka sida ay go’aankaasi ay ka gaartay.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa fulisa xukunada caynkaan oo kale ah oo lagu qaado askarta lagu helo kiisaska dhibaateynta shacabka ah.
XAFIISKA WARARKA MUQDISHO
dee maxaan ra’yi ka dhiibtaa dadkaan wayba qaldanyihiine waayo ciiddu shalaybay ahayd.
kuwaas madax isku sheegaana intay raali galintii allaah ka tageen ayay dad maskaxdoodu qufulantahay raali galintood wax moodeen, wallaahi iniinan dulli waxaan ahayn iinan ka dhaxlayn.
hayl iyo baasto iyo caalin ayaa ishu qabanaysaa gaas maas oo maantay ookiyaale soo qaatay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk