Dahabshiil-Gif
 
|

Mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada soo dooratay oo Muqdisho lagu dilay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Saaka degmada Waabari loogu geystay mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle.

 

 

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Aadan, waxaana da’diiso ay aheyd 70 sano jir sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Waabari.

 

 

Gudoomiyaha ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Waabari Cabdulwahaab Maxamed Maxamuud ayaa Saxaafadda u sheegay in dilka ay geysteen dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab ka dibna ay baxsadeen.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobaayo kooxihii dilka ka dambeeyay.

 

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ergooyinkii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news