Mudane C/laahi Axmed Cadow oo ka mid ah musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynanimada Soomaaliya, ayaa ka hadlay Doorshada lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya .
Mudane C/laahi Axmed Cadow oo ka mid ah musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynanimada Soomaaliya, ayaa ka hadlay Doorshada lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya .
C/laahi Axmed Cadow oo kulan balaaran ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isgoo saxaafada la hadlayay waxaa uu sheegay arimo dhowr ah, sida Doorshada, taageerida Beesha Caalamka iyo wada hadalka dhawaan u furmaya maamulka Somaliland iyo Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Musharaxa C/laahi Axmed Cadoow ayaa sidoo kale yiri “ Beesha caalamka waan uga mahad Celinaynaa garab istaaga ay umada Soomaaliyeed garab taagan tahay, waxaana leeyahay Umada Soomaaliyeed waxa uu ku talaabsanayaa Horumar iyo in uu Helo maamul wanaagsan”
Sidoo kale intii uu hadalkiisa sii watay ayaa waxaa uu ka hadalay xulista ergada ansixinta baarlamaanka waxaa uuna ku nuux nuuxsaday sida loogu kalsoonaan karo mar hadii musharixiinta aysan ergada qeyb ku lahayn waxaa uuna yiri “ waxaan leeyahay Dowlada KMG iyo Madaxdeeda Xulista Ergada iyo ansixinta baarlamnaanka dadka soo xulaya waa in aad Ergo ugu dartaan musharixiinta u taagan in ay tartamaan, ma ahan in adinka aad Noqotaan madaxdii dalka Musharixiintii iyo dadka soo xulayay Ergooyinka”
Gabagabadii ayaa waxa uu soo dhaweyey siyaasiga caanka ee C/laahi Axmed Cadoow wada hadalka dhawaan u furmaya Somaliya iyo Somaliland, waxa uuna sheegay in Umada Soomaaliyeed ay Muqadas tahay midnimadeeda iyo in ay isku soo laabato.
Siyaasiga C/laahi Axmed Cadoow ayaa waxaa lagu xasuustaa in hore uu labo mar isu soo taagay xilka madaxtinimo ee dalka waxaana uu hada ku rajo waynahay musharaxnimadiisa iyo in uu dalka ka noqdo madaxweyne
war kan haa is ceebeyn yaa yiraahda dhowr jeer ayuu ku guuldaretstay kursigaan u ku waaashey.Odeyga yaa wax u sheega oo wax isku har ku yidhaada waaba waashey markan maba quusto miyaa.
ina libaax sxb samirka inuu bato ayaa wanagsan waxa laraadinaayana waa soomali danteeda saan fuilaayo damqasho somalinimo iyo dad jaceyl ayuu u soo istaagay musharax cadow waana aaminsanahay inuu uqalmo cadow xiligan in ladoorto
Walaalayaal Assalaamucalaykum waraxmatuallah
Aad ayaan u bogaadinayaa in uu Mudane Cabdullahi Axmed Caddow isi soo sharaxay,waa nin waaya arag ah.aqoon ku filan leh,waa nin dhexdhexaad ah mithaal u noqon karo somalia,waa nin nabada jecel. waxa aan ebbe ka rajeeynayaa in maanta xilka Madaxnimada somalia loo dhiibo,