Dahabshiil-Gif
 
|

Muqdisho oo 24-Sano kadib Marti Gelinaysa Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD

igad

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Wadooyinka Muhiimka ee Caasimada shalay ilaa maanta lagu arkayaa Ciidamo tiro badan oo katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida Qaranka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale wada howlgallo dheeraad ah oo lagu adkeynayo ammaanka Magaalada Muqdisho , waxaana Ciidamada ay xireen gaadiidka in ay maraana ka mamnuuceen wadooyin Muhiim ah oo kuyaala Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa 24-sano kadib waxaa lagu wadaa in lagu qabto shirka ay yeelanayaan Wasiirada Arimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD , waxaana socda diyaar garow xoogan oo ku aadan sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaasi.

Sugitaanka amaanka ee Wadaan Ciidamada Dowlada ayaa hordhac u ah qorshayaal lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho, inta uu socdo shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ku tilaabsaneysay hormaro kala duwan, waxaana hada Shirkan lagu qabanayo Magaalada Muqdisho uu wax badan ka badalayaa fikirka ay dad badan ka qabaan Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA-RADIO CODKAMUDUG

WQ: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news