Dahabshiil-Gif
 
|

Odayaasha Cabudwaaq oo ka qeybgalaya Shirka Cadaado oo horay ay uga baxeen

mudugOdayaasha Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ee ka soconaya Magaalada Cadaado.

Cuqaashaan ayaa ka baxay Shirka Cadaado maalmo ka hor, kadib markii qaar ka mid ah Ergada Magaalada Cabudwaaq ay isku qabteen cida uga qeybgaleysa Shirka Magaalada Cadaado.

Suldaan Axmed Suldaan Xassan ayaa sheegay in wadatashiyo la xiriiray xalinta khilaafkaasi kadib ay isla garteen in si wadajir ah looga qeybgalo Shirka Maamul u sameynta.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan  oo kale Odayaal isaga baxeen Shirkii dib u heshiisiinta Dhuusamareeb iyo kan Magaalada Cadaado, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Waxaa hadda ka socda Magaalada Cadaado dadaalo lagu soo xulayo Ergada Shirka ee soo dooran lahayd Madaxda Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news