odayaasha dhaqanka oo qodobo isku raacay
Odayaasha dhaqanka ee shirka ugu socda Magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in la sameeyo gole dhaqan oo ay ku mideysan yihiin Beelaha Soomaaliyeed.
Odayaasha dhaqanka ee kullanka ugu socda Muqdisho ayaa waxa ay isku raaceen labo qodob kuwaasi oo kala ahaa in la sameeyo Gole ka koobnaan doona 125-Xubnood kuwaasi oo ah Odayaasha dhaqanka iyo in barlamanka oo soo socda ay Talladiisa noqoto illaa 275-Xubnood.
Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee Midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo ka qeyb galayay kullankaasi ayaa waxa uu sheegay in labadaasi qodob ay Odayaasha qallinka ku duugeen islamarkaana ay isku afgarteen in la meel mariyo labadasi qodob.
“Inta ugu muhiimsan waxaa weeye waxa looga hadlay labo qodob, go’aan ayaana laga gaaray labada qodob, qodobka hore waxa uu ahaa in uu jiro Aqal sare oo Aqal Odayaal ah oo ku saleysan 135-ta Oday ee hadda shirka u fadhisa iyo in barlamanka soo socda tiradiisa ay noqoto 275-marka labadaasi qodob ayaa shirka looga hadlay” sidaasi waxa yiri guddoomiyaha Odyaasha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad.
Kullanka Odayaasha dhaqanka Soomaalida ugu soconaya Magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo idlaado waxaa lagu wadaa in loo gudbo Ergada ay soo dooran doonaan Odayaasha haatan ay tiradoodu gaarayso 135-ta Xubnood, Ergo gaaraysa 125 kuwaasi oo sameyn doona barlamanka la doonayo in uu dejiyo sharciga dalka Soomaaliya.