|

Omar Suuri Musharax / Xildoon Miyaa ?

Omar Suuri Musharax / Xildoon Miyaa ?

ASC     

Salaan ka bacdi  waxaan bulshada Galmudug ugu baaqayaa Alle ka cabsi , midnimo , iyo wadashaqayn iyo iscafis. Intaanan qorin jawaabta cinwaanka qoraalkaygaan, waxaan jeclaystay inaan wax ka taabt waxii aan soo qabtay muddaadii aan Galmudug ku sugnaa, waxaan u mahad celinayaa dhamaan intii gacan igu siisay.

1.    Waxaan waxqabadkayga ka soo bilaabay dhismihii iskuulkii ugu horeeyay ee degaanada Galmudug laga dhiso bilowgii sanadkii 2000. Iskuulkaas oo maanta ardadii ka soo baxday yihiin macalimiin , shaqaale iyo arday jaamacadaha dhigata.

Waxaan aad ugu farxay markaan booqday iskuul ka mid ah iskuulada Galmudug oo macalimiintii isoo dhawaysay 4 ka mid ah ay ahaayeen kuwii ayagoo yar yar aan iskuulka qoray.

2.    2005 Waxaan tagay Gaalkacyo Waqtigaas oo bulshada aan ku wacyi gelinaynay baahida maamul shaqeeya loo qabo, isla markaasna waxaan ”survey” ku soo sameeyay Airport-ka iyo dekeda Hobyo sidii loo dhisi lahaa.

3.    2007 waxaan Galmudug u tagay inaan bilaabo qorshihii dhismaha Airportka Hobyo oo weli aan sugayno dhismihiisa dhaqaalo badan oo Jaaliyada aan ka soo qaadnayna ku bixinay. Insha Allah waxaan ku rajo waynahay in mashruucaas hirgelino sanadkaan. Waxaa kale oo la taliye u noqday Ku simaha Madaxweynaha Galmudug Mudane Abdi samad.

4.   Bilowgii 2008 waxaan dib u habayn ku sameeyay xaruntii caafimaadka ee magaalada Hobyo oo muddo dheer xirnaaka dibna aan ku wareejiyay gudoomiyihii gobolka – Caalin. Waxaa dhaqaalaha bixiyay Gabdhaha Galmudug ee Norway iyo Birmingham.

5.    Feb-March 2008 Waxaan gudoomiye u ahaa gudigii abaaraha ee Galmudug State. Qofna looga sheekayn mayo sidii hufnayd rr gudigaas u gutay waajibaadkiisa wadan

6.   April – October2008  ka dib markii maamulkii habacsanaan ku timi wasiiradii dawlada oo 99% Diaspora ahaa ku laabteen Europe iyo America , Waxaa la ii magacaabay gudoomiyaha gudiga Amniga ee Galmudug State. Waxaa gudigaas u suurtowday inay isbaarooyinkii laamiga daadsanaa qaadaan isla markaasna ciidamada ku xareeyaan xero looga sameeyay tuulada CeelFaarax Geedi agteeda oo muddo 4 bilood ah ku xaraysnaayeen. Dhaqaalo daro awgeed xeraddii loo xiray

7.    Oct 2008 Waxaa la ii magacaabay wasiirka Amniga ee Galmudug State.

8.   2009 Waxaa la ii magacaabay wasiirka qorshaynta ee maamulkii Madaxweyne Axmed Shariif, hase yeeshee lagu qabsaday. Waxaa aakhirkii soo dhawaynay dhexdhexaadintii labada dhinac kadibna u tanaasulnay garabkii kale. Ka dib waxaa la iga codsaday inaan noqdo wasiirka arimaha dibedda.

9.  January 2010 ilaa June 2011 oo aan ku magacaabnaa wasiirka xiriirka dibedda ayadoo dhaqaale lagu shaqeeyo iyo mushaar midna qaadan yaan ka shaqeeyay in dhamaan hay’adaha iyo inta badan safaardaha la shaqeeya Somalia ee Nairobi inaan  xiriir wada shaqayn la yeeshaan Galmudug State. Waxaan booqasho ku tagay wasaarada arimaha dibedda ee Sweden ( Stockholm iyo wasaarada arimaha dibeda ee Norway (Oslo ) . Sidoo kale waxaan shan jeer ku tagay xafiiska foreign and common wealth UK. Dadaalkaas arimaha dibeda aan u galay waxuu mirihiisii noqday in Galmudug loo ogolaado shirarkii UNPOS ee Nairobi iyo wadamo kale shirar ka dhacay. Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in hay’adaha samafalka xafiisyo ka furtaan Galmudug State bilaabaan in mashaariicda samafalka ka hirgeliyaan GM. Mudadaas aan arimaha W. Arimaha dibeda ahaa kuma ekayn wajibaadka dibeda balse Gaalkacyana waan joogay oo xibnaha kale ee dawlada waa wadashaqaynaynay.

10. Waxaan isku dayay in heshiis lala dhamaan qabaa’ilka iyo maamulada ku hareeraysan Galmudug, anigoo aaminsan horumarka Galmudug inuu ku xiran yahay dib u heshiisiinta.

11.  Dhinaca hawlaha private-ka , Galmudug waxaan ka abuuray shirkada maanta ugu fiican dhinaca adeegyada Internet-ka iyo telefoonada dibedda oo u suurto gelisay in dad badan bilaash ama lacag yar kula soo hadlaan eheladooda Gaalkacyo.

12. Waxaan Galmudug geeyay hanti aan dibeda kala tagay iyo hanti aan Xamar ku lahaa anigoo guryana ka dhisay dhul badana maalgeliyay.

13. June 2010, ka dib markaan arkay habacsanaanta ku timi maamulka Galmudug waxaan u soo jeediyay madaxweyne Caalin inuu kala diro golaha wasiirada oo aan anigu ka mid ahay. Si loo helo fursadna loo siiyo dad is bedel samayn kara muddada u hartay maamulka. Waxaanan waqtigayga ku soo qaatay qilaaf iyo isqabqabsi la’aan.

Waxaa jira xubno dhaqanka ka mid ah, dhalinyarada, aqoonyahanka, climada, haweenka iyo dhiyaasbaro in muddo ah igula talinayay inaan isu soo sharaxo doorashada Madaxweynaha ee Galmudug State. Xubnahaas waxaan leeyahay aad baad u mahadsantihiin. Waxaanan idiin soo gudbinayaa raali gelin. Waxaanan dhamaan bulshada Galmudug dibed iyo guddo ogaysiinayaa inaanan ka mid noqon doonin dadka isu sharaxaya xilkaas madaxweynenimada diyaarna u ahayn inaan xil kale qabto anigoo u arka mas’uuliyad culus oo aakhiro iyo aduunyaba la igula xisaabtamayo. Iyo anigoo u arka xaalada adag ee maanta Galmudug ku jirto u baahan tahay xukun military. ( Weligeey Galmudug xil iyo dhaqaale midna kama codsan, ayadoo la i magacaabo yaan arki jirey. haatana diyaar uma ihi inaan codsado ama la ii magacaabo xil Galmudug . Hase yeeshee hiil iyo hoo waxii igu soo aada kala bakhiili maayo. Guusha Galmudug waa guusha naftayda, daykayga iyo dalkayga. Sidoo kale Somalia.

Omar Mohamoud (Omarsuuri )

Omar_suuri@hotmail.com

15 Responses for “Omar Suuri Musharax / Xildoon Miyaa ?”

  1. Mahad Nur Guled says:

    Asc, salaanta Islaamka kadib, akhii Cumar Suuri waxaad tahay “BOQOR” aan cid la tartami kartaa jirin, sidaas ku wad haddii lagugu sharfo u shaqee dadkaaga iyo dalkaaga
    Hadaan laguu garan ka wado danahaaga gaarka ah, horumarinta ganacsigaaga iyo kor u soo qaadida iyo wacyi galinta dadka wax magaratada ah ee meesha jooga.

    Wa bil-laahi towfiiq

  2. Daqare cali Siciid says:

    Asc dhamaantiin waad salaamantihiin Hadaan waxyar ka iraahdo qormada kor ku Wotan ee cumarsuudi. Runtii was qormo aad u qiimo badan ninkan amigo shaqsiyan ma aqaan laakiin qoraalkiisa iyo fikirka Feynman ah aad buu dhaxalgal u yahay waa dhaxalgal siyaasiyiinta gelmudug loogama baran in dhawaalaba hadalan aqoonta iyo aragtida fog ayku dheehantahay .waxaan leeyahay anigu walalayaal maanta deegaan gacan iyo gergaarbuu u baahantahay ma aha in xil iyo xoolo xaaraan ah oo agoon u baahantahay laga raadsado mr wacay ilatahay waa siyaasi ku dayasho mudan

  3. Muslim says:

    Galmudug xukun milatari ayay u baahantahay xaa laga wadaa maxaase ku hoos duugan?? Milatarigu intee ka imaan ?? Kuwa hadda ku guryo laabtay ee jananada sheegan mooryaan mooyee ma milatiri ayay leeyihiin

  4. kibirdiid says:

    walaakey cumarow waamahadsantahay waqtigii adkaa eeay galmudug ku jirtay abaartaiyo maamulxumida iyo heerka ay maantajoogta ee aqoonsiga caalamiga ah mida aad tiri waxay u baahantahay galmudug gacan adag ama milatari waa sax waan kula qabaa xaalada jirta awgeed cadawga nagu hareereysan, ila dhaqaale oo aan jirin maleeshiyo isku dhex yaacsan,burcadbadeed
    maanta galmudug waxaa ka bixi kara sida jeneral qaybdiid oo kale waxaan aniga ku talinaa in jeneraalka la doorto si ay galmudug isdhexyaaca uga baxdo walaakey cumarsuuri waxaan kula talin lahaa hadii uu diiday xil in uu qabto fadla gudiga AIRPORKA HOBYO kala shaqeey walaal mahadsanid shaqao wacan

  5. hawa says:

    kibirdiid xariif anakaa tuug jeneral nooga dhigaysaa miyaa ilaahow sacad kaas iyo rag la mida ka qabo

  6. Lo'yaan says:

    ASC Walaalaha fikirka ay kabixiyeen anigu waxaan qabaa mid kaduwan Cumar na waxaan leeyahey mahadsanid walaal, Milateriga galmudug loogu yeerayo waxaan ka leeyhey mashalay dhasheen mise waakuwii sacad halkuujoogo geeyey.

    Walaal ninkii sacad yaqaaney waagii hore sacad iyo ninkii aan aqoonba awoowa yaasheen iyo aabe yaashood waxaay nagaarsiiyeen meel aan dad ugu faani karno ayakoo aan UN iyo USA mida caawinayn waad lasocotaan markii muxumud xasan yiri war mawaxaan yeelnaa wax ilmaheena udana mise wax anaka noodana oo macnaheedo ahaa inaan duli iyo nafjecleysi sameyno iyo inaan nafteena uhurno sidii ilmaheenu ugu noolaan lahaayeen nolol wacan iyo sumcad fiican

    waxaadna ogaataan sacad meesha maanta uujoogo iyo sumcada uuleeyahey jeneral da hada joogaa magaarsiin ee waxaa gaarsiiyey ilaahey iyo ragii ay udanbeeyeen jaamac cawaale (jaamac seed) iyo salaad kheyre gacaney.

    Anigu waxaan kutalin lahaa Galmudug Haloo dhiibo Sheekh caalim ah oo waliba reer miyi ah?
    Sababta aan uleeyahey waxay tahey macaa culumadii reer magaalka ahaa cudur aan ladaaweyn karin ayaa galay, {Jufo}.

    Halkaan kumasoo koobi karo war e waxaan leeyahey walaal yaal halaga gudbo sida layahey hana lafiiriyo wixii awoowa yaasheen qabteen iyo anakoo 2012 joogna jufada iyo xilka aan lawareegeyno

    halkaan kusoo koobaya maah maah uu kumaah maahey muuxumud xasan oo aheeyd (Doqon sokeeye lama kalkaalo lakiin Doqon shisheeye waala kal kaalaa)! ujeedo Doqonta sokeeye ayadoo kaamaseersan ayey cadowga kuukeenaysa Doqonka shisheeyese markii col kuqabto ayey kuubooyey saa markaas baa waxaa laleeyehay war ninka doqonteena uroon daaya.

    Wacaleykum asalaam

  7. Ali says:

    ASC WR WB Dhamaan tiin. ma doonayo in aan waxbadan iraahdo .Haddaba markaan xaqiiqda u soo laabano Cumar suuri waxuu ka mid yahay dad waxbadan sooqabtay , oo haddana wixi ay qabteen buraash xaar leh mariyay, asaga, madaxweyne caalin iyo gudoomiyaha baarlamanka xassan heyl.iyo shaqsiyaad badan oo kunool gobolka oo aan kala garan dantooda gaarka ah iyo Masiirka umada.dibna u dhigay horumarki yaraa ee ay umada galmudug ku talaabsatay ee ahaa Dhanka waxbrashada iyo midi aqoon siga aheed. Cumar suuri waxa uu ahaa ninki London ilaa U.S.A caalin u daba galay in uu fashiliyo dhamaan arigtidiisi gaar siiyayna in in uu kala dilo iskana horkeeno dadki ku abtirsanayay Sacad oo kasoo bogsaday booga la mid ahaa midi uu markaas la wareegaayay ,haddaba Cumar isma hortaagin Caalin ee waxa uu ceel dheer uu ku riday Masiirki Galmudug oo ku soo koobmay in ay ahaadaan Saxiixayaal Lagu camirto shirarka .hadal iyo dhamantiis Cumar suuri waxa uu ka mid yahay in taas shaqsi ee dhawacaas gaar siiyay Horumarki Galmudug. Kulaabu meeshi aad katimed iyo WEST MIDLAND….U.K …Ilma adeerayaalow Yaan ninna lagu taageerin Culus iyo Waqujir ….ee aan masiirkeena u dhiibano nin naga naxaya oo ilaah baqdintiis ay ku badan tahay.

  8. Jaamac Colaad says:

    Asc wr wb, Salaan ka dib, waxaan is leeyahay Cumar ninkii yaqaan ayaa yaqaan, waana nin aragtii dheer ku shaqeeya wasiiradii galmudug soo marayna aan dhihi karno inuu ahaa midka ugu shaqada badnaa waliba asagoo mushaar la’aan ku shaqeenaya. Waxuuna naga mudan yahay Mahad naq walow aanan abaalkiisa gudi karin. Haatana ninka kaliyah ee wasiirada ka shaqeeyo waa walaalkeen Saadaq Dahir Mire inta kale wax ay Galmudug u qabteen ma jirto waxa ay lunsadeen iskaba dhaafe, halka uu cumar marna uu ciidanka xeerooyin ku xareeyay marna isbaarooyinkii qaaday kadibna dadkii abaareysanaa u ugurmaday, aqoonsiga Galmudug heer sare geeyay umaleen maayo asagoo kale inuu nasoo maraayo.

    Mida kae dadoow aan noqono dad qorshe leh. Nin qorshe wata ayaa wax ka fashilmaan ama cadow uu fashil la damcaa laakin nin iska socda bilaa qorshe maxaa laga fashiliyaa asagii ayaananba waxba uqorneen. Waxaa kuu soo haray doorashooyinka Galmudug. Maanta dadkeenu waxaa hogaamin kara labo qofood midkood. Siduu sheegay Cumar suuri Qof gacan bir ah leh (xukun militery ) oo qaswadayaasha iyo isbaaristeyaasha dhegta dhiiga u dari karo. Ama Qof Aqoon sare leh oo sharafkii Galmudug soo celin kara islamarkaana dabeecad uu dadka kusoo jiito leh (siiba ragga la xalin kara cilada jira sida ciidanka) islamarkaana balaarinta Galmudug iyo siyaasad sare ciyaari kara. Musharaxiintana runta haloo sheego hadii eysan ciidanka wax ka qaban karin, Aqoon ay dad ku hogaamiyaan aysan laheen Galmudug idinma baahno maxaa yeelay lugooyo intaas nagu filan. Waxaana ku kalsoonahay in shacabka Gaalkacyo ay tashadeen nin dambe ciyaar ciyaar kusoo gali maayo. Suaalaha kor ku xusan ayaana hor taala.

  9. Muslim says:

    ASC koley anigu Omar wan garanayaa waana ninn hal abuur leh waxa maantay Deegaanka mudug kajira oo lagu faani karo ee adeeg bulsho ahna Omar lug ayuu kulahaa sida isbitaalada iyo iskuulaadka iwm. Siyaasada lasocoshada Mahiigana dee Soomaali oo dhan ayaa ogol marka waxyar laga reebo. Haddalka Omar waxaa kujira meeshu “gacan milatari” Taasna waa Dagaal Ooge gobolka iyo reerkan G/mudug dhistay dhiigooda 30 sanno jaqayay oo ka xoola tabcaday hala doorto weeye dabcan taasna waxaan filayaa in aysan dhicidoonin. C/qaybdiid Sacad mid uu dilo iyo kuwuu isku dilo ayuu ka dhigay

  10. caab says:

    Omar Suuri waxaan soo qortay qormo qurxoon laakiin taariiqdada waxay udhamaatay markii aad bushada reer Galmudug ee dagan America aad fidnada iyo qabiilka dhexdigtay marka sxb waxaba ha iskukaaya xayaysiin waxaba kama duwanid hugaamiye kooxeed bye,

  11. SAMADOON says:

    ASC KULIGIIN,,Cumarow Ilaah hakaa amaal mariyo,,, ninkii ku xaqiraa waa nin aan wax badan kala socon Galmudug iyo wixii xumaa ee lasoo maray,
    School-ka iyo Hospital-ka Cumar xusay waa aabihii iyo hooyadii Galmudug waa kuwa keenay in lagu riyoodo Galmudug iyo kii kahoreeyaba ee la oran jiray Koofurta Galkacyo,,
    marka hadii Cumar iyo rag kale oo fara kutiris ah, ay daabacaan waraaqo cudur daashaah, xaq ayay u lee yahiin waana larabaa meesha ayka taagan yihiin, doorashada soo socota,,
    dadka aan ku faraxsanayn ama aqoon Cumar iyo raga lamidka ah,ee waqtigii liitay noohii liyay,,,
    waxaan leenahay aqoontaada iyo cadaaladaada gadaal ugunoqo,,, ASC

  12. hawa says:

    cumar cabdi qaybdiid ha heyninee war niman yahow fadhi ku dirirka ah qorshe keena ama iska amusa sacad haduu rag leeyahay cabdi qaybdiid bey iska qaban lahayeen iyo tuugada diasbarada ah ayagaana meesha na dhigay wax galmudug la yiraahdo ma jiryo taariikhda iyo halgankii mujaahidiintii sacad ala ha u naxariistee ayaa meesha lagu xaqiraa war marka hore xusa oo aas qaran iyo duco u sameeya halgamayaashii cadowgii daarood idinka xoreeyay oo dhiigooda qaaligaa idiin huray oo ilaa dhuumoodle dhiigoodu yaal ka ducaysta oo quraan u aqriya oo ka toobad keena dhiigii mujaahikii weyna jeneral caydiid ood ku faantee dilkisa ala ha u naxariistee waxba tuugo yeysan idin hogaamin ee nimanka biyaha qaboow cabaayey markad halgameyseen oo baasaboorada wata hadey run sheegayan maantay wax ha qabteen anaka yeysan qorax noo soo doonanin ee rag ha iska dhigeen nimanka cabdiyaal la yiraahdo waxba galmudug ha hor boodina oo sacad ha kala fogeynina waxa tihiin waan ognahay waligiina sacad wax ka dhex noqon meysiin cuqubo ayaa idin heysata ee meel xun ala ha didin dhigo waaba idin dhigay hadaad maantaybaraxley tuugsaneysiine

  13. Omarsuuri says:

    ASC
    Walaalaha ka faalooday qoraalkayga waa 3 qaybood
    1. Qayb warkooda ka jawaabi maayo – bulsho kasta yay ku jiraan.
    2. Qaybta 2aad arigtida waa lagu kala duwanaan karaa yaan ugu jawaabayaa. Anigu waxaan cadeeyay inaanan diyaar u ahayn xil inaan qabto. Waxaa la idinka rabaa inaad meeshii tagtaan oo saxdaan waxii aan qalday. Kartidiina iyo dadnimadiina muujiya. Ha noqonina : Waxqaban mayno qofkii waxqabtana darfahaan ku dhagaynaa. Talooyinka ha la siiyo dadka hadda xilalka qabanaya, Teeda kale aniga Xil Galmudug waxaa igu damabaysay June 2011. Waxii xumaan ee dhacay waqtigaas ka bacdi kula xisaabtama dadka xilka haya.
    3. Qaybta 3aad : Waad ku mahadsantihiin garashada, wadanimada, tolnimada, dulqaadadka iyo niyad wanaaga aad muujiseen . Is aruursada oo u midooba sidii aad dalkiina iyo dadkiina wax ugu qaban lahaydeen kuwa xumaanta u saaxiibka ah ee jirrana aad uga hortagi lahayday. WSC

  14. sacdiya siciid says:

    Asc All halkaan hadaan rayigeyga ka dhiibto cumar suudi waxaan aaminsanahey in uu yahey indhaha galmudug taariqduna ey xusidoontoh dadkeena iyo dalkaba in uu wax la sookobi karin oo kaqabtey waxaan kale oo reer galmudug ku baraarujin lahaa cumar suudi oo kale kalataageeroh maxaa yeeley galmudug calooshi ushaqeyste waa kadashey cumar suudi nollow waanah ku taagersanahey waxaanah tahey ruuxa kaliyah oo galmudug udidaaley allow kudaah dadnimada abahey ku siiyeey halkaas ka siiwaf dadka oo daciifka ah ka ujoojin qof aqli leh wuu ku tasgersan yahey

  15. hobyo boy says:

    ASC ALL Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa in aad iska daysaan xagxagashada badan oo aad cadowgiina ku farxayo horay ayaa loo yiri nin xil qaaday eed qaad ninkii waqtigiisii iyo ilmihiisa ka hormariyey danteena ayaad wali u mahad celin lahdihiin yaa idiin istaagaya ninkastoo yimaada waad cuneesiinee ku dayda doqoma ay wataan puttland. wsc

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news