Dahabshiil-Gif
 
|

Proff”Baadiyoow:Dowladdu Faragalinta Hakadeeyso Shirka Gobolada Dhexe”

BAADIYOW

Dr C/raxmaan Maxamed C/llaahi Baadiyow oo Ah siyaasi Soomaaliyeed islamarkaasina horay u soo noqday Musharax madaxweynimo Ee Soomaaliya ayaa dowlada Somalia eedeen Usoo Jeediyay.

Dr Baadiyoow ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay faragalin qaawan ay ku heeyso shirka Maamul usameeynata G/Dhexe Ee Soomaaliya .

Proff’Baadiyoow Waxa Uu Dowlada Soomaliaya  Uugu baaqay in ay faragalinta ka deeyso odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan Ee bulshada Gobolada Mudug iyo Gal-Gaduud Ee Maamulka sameeysanaya.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahanyahay Kala fududeeynta Dhismaha Maamulka  hase ahaatee hadda dowladu ay guud ahaanba la wareegtay hanaanka shirka Ee Maamul usameeynta G/Dhexe Somalia.

Waxa uu ugu baaqay in odoyaasha ku howlan dhismaha Maamulkaan in ay isku tashtaan wax shacabka G/dhexe dan u ahna ay soo saaraan .

Gobolka Gal-Gaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa waxaa ka soconayo dadaalo maamul loogu sameeynayo Gobolada Mudug iyo Galguduud.

Dowlada Soomaaliya ayaa wajaheeysa eedeeymo kala duwan oo ku saabsan shirka maamul usameeynta G/Dhexe Ee Soomaaliya.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news