Puntland iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wada Hadlay Soo Afjarida burcad Badeda iyo Alshabab
Wararka Codkamudug Saaka Ay ka Helayso Magalada Garowe ee Xarunta Gobalka Nugaal Ayaa Waxa ay Shegayan Magalada Garowe in uu Ka Dhacay Shir looga Hadlayo Dhibaatada Burcad Badeda iyi Sidii loola Dagalami Lahaa Xarada Alshabab Waxana Sida La Shegayo Shirkaasi ka Soo Qayb Galay Mas,uuliyin Ka Tirsan Maamulka puntland Iyo Madax ka Soco Tay Qarmada Midoobay
Hadaba Marka uu Shirka Soo Idlaaday Waxa Saxaafada La Hadlay Afhayenka Dowlada Gobaledka Puntland Axmed Cumar Xersi Libaax Joore.
ujeedka kulanka ayaa Lagu Shegay in uu yahay sidii la isaga kaashan lahaa Al-Shabaab iyo burcad badeeda oo la aaminsan yahay sida uu sheegay inuu xiriir ka dhaxeeya,Waxana Labada Dhinac layska Af gartay in si Isku Mid Ah looga Dagaalamayo Alshabab iyo Burcad Badeeda Somaliya
Deeganada maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaasi oo weeraro kusoo qaada fariisimada ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin deeganada Gobalka Bari.
CODKAMUDUG- GAROOWE
EMAIL:codkamudugfm@gmail.com
