Dahabshiil-Gif
 
|

Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag Shabaab ka tirsan

Saraakiisha ciidamada Puntland, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhalinyaro ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay Koontaroolka Magaalada Garowe.

 

 

Puntland ayaa ku doodaysa dhalinyaradan ay qabteen inay ku sii jeedeen Buuraha Galgala ee Gobolka Bari si ay gaaraan dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan ee halkaasi ku dhuumaaleysta.

 

 

Saraakiisha ciidamada PSF ee Puntland oo Warbaahinta u soo bandhigay dhalinyarada la soo qabtay ayaa sheegay inay marsiin doonaan Baaritaan dheeri ah oo ku aadan Shabaabnimada loo soo qabtay.

 

Dhalinyarada ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen ayaa tiradooda waxa ay kor u dhaafeysaa 10 dhalinyaro ah, iyadoo aanan si rasmi ah loo ogayn inay Shabaab ka tirsan yihiin iyo in kale.

 

 

Puntland ayaa sheegtay inay bilowday hawlgal ka dhan ah Daacish iyo Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala, waxaana sare loo qaaday ammaanka Koontaroolada laga soo galo degaanada Puntland.

 

 

Dhalinyarada Koontaroolka Magaalada Garowe lagu qabtay ayaa lagu qaaday gaari shabaqle ah waxaana loo qaaday dhanka Magaalada gudaheeda, gaar ahaan Saldhiga halkaasi oo lagu xiray.

 

 

Dadka qaar ayaa sheegaya dhalinyarada la qabtay inay u socdeen Tahriib, balse arrintaasi lama oga.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news