|

qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Soomaalida oo soo dhaweeyay Gudigii lamagacaabay

Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo la hadlay Idaacaddaha ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan guddiga farsamo oo ay magacaabeen Madaxda DKMG Soomaaliya kuwaasi oo la shaqeynayaan Odayaasha dhaqanka ee shirka ugu socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Nabadoon Max’ed Xasan Xaad ayaa waxa uu sheegay in mar ay la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda iyo guddoomiyaha barlamanka bal waxa ay kusoo kordhinayaan guddigaani ayaa waxa uu sheegay in Madaxda ay ugu jawaabeen in kaliya ay ka caawin doonaan qaabka ay usoo xulayaan Ergada ansixin doonta Dastuurka iyo Xubnaha barlamanka cusub.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu tibaaxay Nabadoonka in Madaxda ay hordhigeen su’aal aheyd in Odayaasha dhaqanka aan kalsooni lagu qabin maadaama guddi farsamo lagu kor magacaabay ayaa waxa uu sheegay in Madaxda ay ugu jawabeen kaliya intaasi ay tahay wada shaqeyn iyo dar dar galin howlaha horyaallo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in mar haddii guddigaasi la magacaabay ay iska cadahay in faro galin lagu hayo Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Ergada ansixinaysa Dastuurka sida uu hadlka u dhigay.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kullan uu la qaatay Odayaasha dhaqanka waxa uu ku wargaliyay inay u madax banaan yihiin howshooda islamarkaana aan jirin cid soo faro galinaysa howlaha ay wadaan ee ku aaddan qabyo qoraalka Dastuurka iyo soo xulidda Xubnaha barlamanka cusub.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news