Dahabshiil-Gif
 
|

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho;Qarax noociisa uu yahay mid gaari loo adeegsaday ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, qaraxaasi oo ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegay in ujeedkiisa uu ahaa in lagu qaarijiyo rag ka tirsan Dowladda oo Hoteelka ku sugnaa.

Ilaa hada waxaa la sheegay in labo ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo mid kamid ah uu ahaa askari ilaalo ka ahaa Hoteelka.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay Dhanka dambe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama halkasi oo Parking gaadiidka la dhigto ah.

Gaarigaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inu umeesha yaalay, kadibna uu sidaasi ku qarxay, iyadoo goobta qaraxa ka dhacay ay durba gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho ayaa ah mid maalmahan wanaagsanaa, waxaana jirta hadal hayn ku saabsan in rag badan oo Shabaab ka tirsan ay soo galeen gudaha Magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news