QOF AAN DALKA, DEEGAAN IYO DUUNYO TOONA AAN KU HAYSAN OO XILDOONIHI DAN MA U YAHAY
Dawladaha aan siyaasadoodu fadhin ama aan lahayn siyaasad leh hadaf fog oo ku dhisan wadaninimo waxaa ku dhaca xiliyada kala guurka amase marka lagaaro waqtiyada doorashooyinka in uu yimaado is qab qabsi oo mar marka qaar sababa burbur dal ama dad
Su’aalaha looga baahan yahay in ay ka jawaabaan dadka daneeya Horumarka Galmudug waxaa weeye qof nuucee ah ayaa ku haboon in uu madaxwayne ka noqdo Galmudug. Waxaa haboon in laga fakaro dhowr arimood, koowaad waa in la helaa oday dhaqameed hufan dhinac walaba (eeg qormada hoose sifaha masuulka) kaasoo soo xula Wakiil baarlamaan oo hufan, dabadeedna wakiilka ayaa dabcan dooranaya Madaxwayne.
Sifaha Madaxwaynaha, Madaxwaynuhu waa in uu noqdaa in cadaalad ah ka dhowrsan anshax xumada, waayo arag ah, aqoon leh, caaqiido wanaagsan, dad, duunyo iyo deegaanba ku leh dalka. Nin aan dalka maalkashi ku lahayn, aabihiis, hooyadiis, walaahiis Ilmihiis, hantidiis midna joogin uma naxayo ee kursi buu ilaashanayaa.
waa in lawaydiiyaa muxuu dalka ku sheeganayaa oo uu horay ugu qabtay, hadii uusan waxba horay ugu qaban dantiisu waa kursi ee halaga fogaado
Nabadoon ayaa samaysma sideebuu ku samaysmay? maladoortay? ma xoogbuu kuyimid? mala magacaabay, yaa magacaabay? muxuu ku mutaystay jagada nabadoonimada? ma Caqli,aftahan,aqoon diineed ama mid maadi ah, rabitaan dadwayne yuu matalaa ma jufo hoose mise danta guud ee dadka ama maamulka, ma haboontahay in la kala saaro nabadoonka jufada iyo kan golaha guurtida. ma haboon tahay in wakiilka golaha guurtida ay soo xulaan nabadoonada jufo hoosaadyada,siyaasiyeenta,culumada, dhalinyarada haweenka waxaana lagusoo xulayaa Qurux, Caqli, Xishood, akhlaaq,Aqoon guud diin ama maadi iyo waaya aragnimo
Wakiil baarlamaan
waxaa ku xigaya Nabadoon
Wakiil baarlamaan,
Gudoomiye baarlamaan iyo ku xigeenadiisa
Madaxwayne,
Wasiiro
kuxigeeno,
iyo dhamaan hay’adaha maamulka
Gabay
dadka waan u digayaa
danaystaha xildoonka
dal iyo duunyo aan rabin
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
darxumada iyo gaajadu
maalintay ku dubatee
duunyadu dhamaatee
ubadkiinu duurkiyo
daranyada ku noolaa
midaan kuu digiigaxan
diirkiisu kuu nixin
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
magacaaga oo dumay
dadkaagii dayoobeen
dowladnimadii waayeen
dagaal iyo colaad dheer
kuwo diir wadaagiyo
dariskii is waayeen
dadaal dheer midaan marin
midnimadaada aan dumin
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
degaankaaga oo dumay
dadkii ay ka guureen
daryeel midaan u fidinayn
garoomada diyaarado
dakadahaaga aan dhisin
duunyana ku bixinayn
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
dugsi ma leh qabyaaladi
darajana ma keentee
midaan qabiilka dabar goyn
cududaada aan dumin
ciidankii difaaciyo
poliiskoo doc joogiyo
daraawiishtii aan dhisin
dadoow yuu xil kuu qaban
danahaaga ka ogoow
dunidii hayaantoo
dayaxaa la hiigsaday
taariikhda duugaa
doorkaad ku leedahay
daalacan inuu yahay
daciif aan ogaynoo
diiradiisu jaban tahay
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
mid dareenku maqan yahay
dalka horumarkiisiyo
dulucdaba midaan garan
duniduu wareegiyo
dawaaf iyo diyaayaarado
dani aanay ugu jirin
dadaalkii ku lumiyaha
shaqo kuma dadaalaha
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
mid dadaalayaa jira
duunyadaada oo maqan
kula daydayaayoo
duurka kula wareegoo
daalkiina kaa badan
durba inaad heshaa
daalin ay u daran tahay
darajana mid kula neceb
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
Cismaan caaqilbaatahy
Curadkii cidaatay
waan kuu cataawee
caqligaaga dib u eeg oo
daalin yuu xil kuuqaban.
Digsiyow hadaaline
Durbadiiba sootoos
maamuldumiye nala diid
dabaylaha kusii daah oo
daalin yuu xil nooqaban
Abti waan ku ogahoo
aroor soo baxdaa tahy
aabahaa caloolgeel
ubadkiisi baatay
arlada aad kunooshay
uunkaas kusoodagay
arinkoodu waaabeen
xukubay u ooyaan ee
xarigooda kala goo
Shiikh Muxiyadiinow
duriyadii Celguulaad
diitaan kubartee
bal aan kula dar daarmee
adigaa dalkaan dhisay
dugiyana ku faafshoo
jaamacado duldhigayoo
bilad dahaba mudonoo
wiil door inaatay
dunidaan kasheegaa
nin aan daa’in abidkii
dalkeenaba cagsoo dhigin
nin aan daa’in abidkii
deeqaha ka qaybgalin.
nin aan daa’in abidkii
dareen keeno soomarin
dabinkiisu wuxuu yahy
kursi inuu kudaarfuro ee
daneehen ka ogow
Shiikh ilka dahabaw
caalinimkii carigow
caqligii ummadaw
caadilkii na abuurtay
cimrigaaga ha waarsho
inta caaqiloho kale
intaad wada cawaysaan
talo wada cayimataan
maamul cududle taagoo
caalamkana u tabarwayn
codkamudug radio
waa talo wax ku ool ah, in aan talada loo dhiibin nin dalka aan hanti kulahayn, dadkana aan wax kulahayn, ee dibada kasoo duulay kuna laabanaya hadii xaalku xumaado.
Dastuurka halagu daro qodob aoranaya: qofka noqonaya madaxweynaha Galmudug waa inuu degenyahay asagam xaaskiisa iyo ilmihiisa (hadii ilma uu leeyahay).
wabilaahi tawfiiq.
asc
Aad buu umahadsanyahay qo,raaga fikrada wadaninimada leh ku soo bandhigay halkaan.Markii laga hadlayo sifaadka hugaanka wanaagsan marna kama mid noqon karto dhaqaalaha shaqsigu leeyahay ama qoyskiisu iyo in uu daganyahay deeganka Galmudug.
waxaan ulajeeda walaalka qo,raalkan qoray wuxuu ku daray sifaadka hugaanka wanaagsan in uu dad iyo duunyo ku leeyahay Galmudug qofka is sharaxaya arintaas oo walaac ku abuuri karta muwaadinin reer galmudug ah oo karti uleh in ay waqtigan adag ay kasamata bixiyan shacabka reer Galmudug.waxayna albaab horleh ufuraysaa fikradi capitalismka oo qarniyo hore laga soo gudbay
waa muhim ah in laga fakaro sidii loo dooran lahaa qof dadka kasamta bixinkara xiligan adag oo leh Garasho dheerad ah ,cilmi naafica, waayo arag iyo daacadnimo dheerad ah.
Mid inaa ku darsado baa rabaa. Ra’yigu waa fiicanyahey, laakin ogaada, Hadii odayaal dhaqameed lasiiyo xogta madaxtinimada Galmudug in sida CAALIN oo kale arintu iska daba wareegeyso. Odey horta maba dooneyno aniga RA’YIGEYGA. Nin dhalinyaro ah, oo wax soo bartey, oo aan colaad qabiil cid u heyn, oo doonaay inuu mideeyo Dadka walaalaha ah baa ku fiican. Waa dhib shakhsi intaasoo waxyaabood isku wato in lahelo maanta, laakiin odey CIRIBTIIS, IYO CAAQIBO XUMO, COLAAD SOCOTO, IYO CADAALAD LA’AAN, CAAQIL BAA NOOGU FILAN, EE HALGU CIBRA QAATO GALMUDUGEY..