Qof nuucee ah ayaa ku haboon in uu Galmudug Madaxwayne Ka noqdo xiliga kala guurka
Dawladaha aan siyaasadoodu fadhin ama aan lahayn siyaasad leh hadaf fog oo ku dhisan wadaninimo waxaa ku dhaca xiliyada kala guurka amase marka lagaaro waqtiyada doorashooyinka in uu yimaado is qab qabsi oo mar marka qaar sababa burbur dal ama dad
Su’aalaha looga baahan yahay in ay ka jawaabaan dadka daneeya Horumarka Galmudug waxaa weeye qof nuucee ah ayaa ku haboon in uu madaxwayne ka noqdo Galmudug. Waxaa haboon in laga fakaro dhowr arimood, koowaad waa in la helaa oday dhaqameed hufan dhinac walaba (eeg qormada hoose sifaha masuulka) kaasoo soo xula Wakiil baarlamaan oo hufan, dabadeedna wakiilka ayaa dabcan dooranaya Madaxwayne.
Sifaha Madaxwaynaha, Madaxwaynuhu waa in uu noqdaa in cadaalad ah ka dhowrsan anshax xumada, waayo arag ah, aqoon leh, caaqiido wanaagsan, dad, duunyo iyo deegaanba ku leh dalka. Nin aan dalka maalkashi ku lahayn, aabihiis, hooyadiis, walaahiis Ilmihiis, hantidiis midna joogin uma naxayo ee kursi buu ilaashanayaa.
waa in lawaydiiyaa muxuu dalka ku sheeganayaa oo uu horay ugu qabtay, hadii uusan waxba horay ugu qaban dantiisu waa kursi ee halaga fogaado
Nabadoon ayaa samaysma sideebuu ku samaysmay? maladoortay? ma xoogbuu kuyimid? mala magacaabay, yaa magacaabay? muxuu ku mutaystay jagada nabadoonimada? ma Caqli,aftahan,aqoon diineed ama mid maadi ah, rabitaan dadwayne yuu matalaa ma jufo hoose mise danta guud ee dadka ama maamulka, ma haboontahay in la kala saaro nabadoonka jufada iyo kan golaha guurtida. ma haboon tahay in wakiilka golaha guurtida ay soo xulaan nabadoonada jufo hoosaadyada,siyaasiyeenta,culumada, dhalinyarada haweenka waxaana lagusoo xulayaa Qurux, Caqli, Xishood, akhlaaq,Aqoon guud diin ama maadi iyo waaya aragnimo
Wakiil baarlamaan
waxaa ku xigaya Nabadoon
Wakiil baarlamaan,
Gudoomiye baarlamaan iyo ku xigeenadiisa
Madaxwayne,
Wasiiro
kuxigeeno,
iyo dhamaan hay’adaha maamulka
Gabay
dadka waan u digayaa
danaystaha xildoonka
dal iyo duunyo aan rabin
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
darxumada iyo gaajadu
maalintay ku dubatee
duunyadu dhamaatee
ubadkiinu duurkiyo
daranyada ku noolaa
midaan kuu digiigaxan
diirkiisu kuu nixin
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
magacaaga oo dumay
dadkaagii dayoobeen
dowladnimadii waayeen
dagaal iyo colaad dheer
kuwo diir wadaagiyo
dariskii is waayeen
dadaal dheer midaan marin
midnimadaada aan dumin
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
degaankaaga oo dumay
dadkii ay ka guureen
daryeel midaan u fidinayn
garoomada diyaarado
dakadahaaga aan dhisin
duunyana ku bixinayn
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
dugsi ma leh qabyaaladi
darajana ma keentee
midaan qabiilka dabar goyn
cududaada aan dumin
ciidankii difaaciyo
poliiskoo doc joogiyo
daraawiishtii aan dhisin
dadoow yuu xil kuu qaban
danahaaga ka ogoow
dunidii hayaantoo
dayaxaa la hiigsaday
taariikhda duugaa
doorkaad ku leedahay
daalacan inuu yahay
daciif aan ogaynoo
diiradiisu jaban tahay
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
mid dareenku maqan yahay
dalka horumarkiisiyo
dulucdaba midaan garan
duniduu wareegiyo
dawaaf iyo diyaayaarado
dani aanay ugu jirin
dadaalkii ku lumiyaha
shaqo kuma dadaalaha
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
mid dadaalayaa jira
duunyadaada oo maqan
kula daydayaayoo
duurka kula wareegoo
daalkiina kaa badan
durba inaad heshaa
daalin ay u daran tahay
darajana mid kula neceb
danahaaga ka ogoow
dadoow yuu xil kuu qaban
Cismaan caaqilbaatahy
Curadkii cidaatay
waan kuu cataawee
caqligaaga dib u eeg oo
daalin yuu xil kuuqaban.
Digsiyow hadaaline
Durbadiiba sootoos
maamuldumiye nala diid
dabaylaha kusii daah oo
daalin yuu xil nooqaban
Abti waan ku ogahoo
aroor soo baxdaa tahy
aabahaa caloolgeel
ubadkiisi baatay
arlada aad kunooshay
uunkaas kusoodagay
arinkoodu waaabeen
xukubay u ooyaan ee
xarigooda kala goo
Shiikh Muxiyadiinow
duriyadii Celguulaad
diitaan kubartee
bal aan kula dar daarmee
adigaa dalkaan dhisay
dugiyana ku faafshoo
jaamacado duldhigayoo
bilad dahaba mudonoo
wiil door inaatay
dunidaan kasheegaa
nin aan daa’in abidkii
dalkeenaba cagsoo dhigin
nin aan daa’in abidkii
deeqaha ka qaybgalin.
nin aan daa’in abidkii
dareen keeno soomarin
dabinkiisu wuxuu yahy
kursi inuu kudaarfuro ee
daneehen ka ogow
Shiikh ilka dahabaw
caalinimkii carigow
caqligii ummadaw
caadilkii na abuurtay
cimrigaaga ha waarsho
inta caaqiloho kale
intaad wada cawaysaan
talo wada cayimataan
maamul cududle taagoo
caalamkana u tabarwayn
codkamudug radio
Hadda ka horna waa sheegey midaan. Reer Galmudug waxey u baahan yihiin qof dhalinyaro ah, oo aan gudaha somalia daganeyn, qofa u dhaxeeya da’ ahaantii 40 ilaa 50. qof dhadhamiyey qaraarii labaatankii sano, dibadahana wax ku soo bartay, oo la shaqeyn kara dhalinyarada. Odayaasha waa ku mahadsan yihiin dadaalkoodii ay horey u soo qabteen, laakin fikaradoodu waa iska daba wareeg, iyo qabiil wax halgu qabto, taasna waan musuq maasuqnimo. Qof isku keena SACAD IYO SALEEMAAN, mideeya, walaalahoodna wax la wadaaga. Hadii la rabo in dhisitaanka dekeda HOBYO ay suurto gasho, waa in la’is af fahmaa.
waxaa ku haboon in uu qabto qof aan asagu dan gaar ah kalahayn ama sadbursidoon ahayn ama jaga doon ahayn oo aqoon yahan ah aana kusifoobin musuqmaasuq dhabna ay katahay in uu cadaalad umaamulo galmudug ayaa ku haboon in uu galmudug qabto marka aan cabiro ra.yigayga
waxaan uga digayaa bulashada galmudug in ay doortaan qof aysan ogayn waxa uu yahay ama wax uu qabanaayo ama hadaf kiisa iyo siyaasadiisaba hadii kale is qabqabsi laga biximaayo waa in laga dig toonaadaa sidiiiiiiii horay udhacday ookale ee qol intii lalagalo doorasho been ah in lasoo magacaabo madaxwayne aan shacab dooran ama xildhibaan aan shacab dooran
wabilaahi towfiiiq
meesha bugta waa in farta la saaraa. dadka gobolkaan ka soo jeedaa oo aqoonta iyo kartida lihi ma rabaan inay dadkooda u shaqeeyaan. reer galmudug waxaay aaminsan yihiin xamar keliya.marka laga rebo reer miyigooda.taas waxay keentay in ninkii wax qabanaya in xamar tago.dadka hadda u sharaxan galmudug haddad fiirso,wax aqoon maamul leh kuma jiraan.qaarkood waa kuwii keenay masiibadii ku dhacday soomali iyo reer galmudug,warlord.xamar somali bay u dhexeysaa.gobolada aad ka soo jeedo waa waxa umadda somaliyeed kugu tixgelin doonto.waxaan u baahan nahay shakhsi nadiif ah,aqoon leh oo dib u dhisa sumcadeena,umada somaliyed nala hashisiya,mideeya galmudug,si aan marxalda cusub oo dalka galay uga qaayb qaadano.