Dahabshiil-Gif
 
|

Ra,iisul Wasaraha Dalka oo ka Hadlay Qarixii ka Dhacay Irida Hore Madaxtooyada Somaliya

Shirdoon-RW1

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Fadaraalka soomaaliya Cabdi faarax shirdoon ‘saacid’ ayaa waxa uu ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xafiiskiisa iyo safaarada ethopia ay ku leedadahay Madaxtooyada soomaamliya .

C/ faarax Shirdoon ayaa xusay in qaraxaasi u jeedkii laga lahaa aan laga gaarin arintaasi ayuu ku amaanay ciidamada dowlada oo uu sheegay inay ka hor tageen.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay ruuxii ismiidaamiyey in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in markii hore uu kasoo goostay ururka al-shabaab kadibna lagu xareeyey xirada dhaqan celinta dowlada markii uu qaraxa sameynayana uu ka soo baxsaday xeradii dhaqan celinta loogu xareeyey.

29-ka bishaan aynu kasoo gudubnay ee January ayey aheyd markii ruux ismiidaamiye ah uu isku qariyey afaafka hore ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha soomaaliya iyo safaarada ethopia oo intuba kuwada yaala xarunta madaxtooyada soomaaliya iyadoo qaraxaasi ay sheegteen Masuuliyadiisa in ay ka dambeeyeen ururka al-shabaab.

 

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news