Ra,iisul Wasaraha Soomaliya” Taageerada Calamka ay u Fidiyen Somaliya Waa Muqaal ka Turjumaya Horumarka Dowlada ay Gaadhay “
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra, ii sul Wasaraja Xukumada Fadaraalka Somaliya ayaa sheegay in Dowladiisu ay dadaal Dheeri ah ay Muujisay Aduunkana ay Taageero u Fidiyeen Soomaaliya
Ra,iisul Waasaraha ayaa Shegay in dowladda ay Gudbisay Muuqaal Wanaagsan oo ka turjumaya dadaalka ay Sameeyeen Madaxda dowladda iyo Horumarka dalku uu ku tallaabayo.
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa dhanka kale Caalamka intiisa kale oo aan weli taageero u Muujin Soomaaliya in ay ku daydaan dowladaha Saaxiibadood ah oo Garab taagan Soomaaliya.
Hadalka Ra’isal Wasaaraha ayaa waxa uu imaanayaa Xilli shalay wafdi ka socda qaramada Midoobay ee uu Horkacayo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay U qaabilsan dhanka Siyaasadda Jeffery Feltman ay soo Gaareen Magaalada Muqdisho kulana la qaateen Ra’isal Wasaaraha.
