Dahabshiil-Gif
 
|

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Safar shaqo ku tagay Jowhar

cabdiwaliRa’isalwasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa saaka ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo ka dagey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sheellada Dhexe.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigii la socday ayaa markii ay gaareen Jowhar waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Masuuliyyinta Gobolka iyo Dadweyne aad u farabadan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa amaanka aad u sugay,waxuuna la kulmay Maamulka iyo Qaybaha Bulshada ayagoona ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa dhamaan mashaariicda iyo dibu dhiska Gobolkaas.

Goboka Shabeellada dhexe ayaa caan ku ah wax soo saarka dhinaca dalagga beeraha,xoolaha iyo waliba warshadii hore ee soo saari jirtay Sonkartii Jowhar.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news