Dahabshiil-Gif
 
|

Roobab xoogan oo ka da’ay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyo naawaaxigeeda waxaa xalay ilaa saaka ka da’ay roobab xooggan oo si aad ah loogu diirsaday.

Roobka ayaa ka da’ay Magaalada Gaalakacyo iyo deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Musdug iyaadoo aysan jirin khasaare uu ka geeystay Magaalada marka laga reebo wadooyinka qaar oo ay xireen biyo badan oo dhashay roobka kuwaas oo hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Gaalkacyo.

Roobkan ayaa wuxuu ku soo aadaya xilii abaaro iyo biyo yaraan ay ka ka jireen deegaanada miyiga iyadoo ay haatan bilaabatay raxmada eebbe ee roobka, waxaana la filayaa in dadka reer miyiga ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay xoolo dhaqashada inay ka soo kabtaan dhibaatadii ka soo gaartay roob la’aanta.Roob

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news